Xukuumadda oo Bilowday Qorshe ay ku Sugeyso Xogta Barakacayaasha Dalka

0
108

Hargeysa (Dawan) Ha’yadda qaxoontiga iyo barakacaaysha Qaranka ayaa kooxo soo samayn doona xog’ururinta barakacaaysha u kala dirtay gobolada Dalka.

Guddoomiyaha hay’ada qaxoontiga iyo barakacayaasha Qaranka Somaliland Mudane Cabdikariim Axmed Maxamed Xinif, ayaa sheegay in kooxaha ay direen u direen sidii ay u soo ururinlahaayeen xogta dadka barakacayaasha ah oo si sannadle ah  loo sameeyo, waxaanu faray in loo baahan yahay xog sugan, dhammeystiran, oo Qaranku ka duuli karo.

Geesta kale waxa uu tilmaamay in kooxaha ay ka hay’ad ahaan direen ay soo ururin doonaan laba xogood, kuwaas oo kala ah xog hay’addu ay leedahay iyo mid ay hay’adda IOM ay la wadaagtay, waxaanu ku baraarujiyay in bulshada ay u shaqaynayaan ay ugu adeegaan si cadaalada, waxaanu ku adkeeyay in xogta ay ka soo ururinayaan dadka barakacayaasha ay noqoto mid rasmiya, waxaanu hoosta ka xariiqay in xogtaasi Qaranka lala wadaagi doono.

Guddoomiye Xinif ayaa sheegay in ujeedada xog ururintan laga sameynaya Kaamamka barakacayaashu ay salka ku hayso helitaanka tirada dadka barakacayaasha ee sannadkan, waxa uu intaas raaciyay in goobaha xogtan laga soo ururinaya ay ku kooban tahay kaliya goobaha baracayaasha iyo bulshooyinka ku xeeran.