Guddoomiye Ku-xigeenka Cusub ee Guddida Maamul Wanaagga oo si Rasmi ah Xilkii ula Wareegay

0
83

Hargeysa (Dawan)- Guddoomiye ku xigeenka cusub ee Koomishanka Maamul Wanaaga Jamhuuriyadda Somaliland Naasir Ayjeex Jaamac ayaa shalay xilkii si rasmiya ugula wareegay guddoomiye ku xigeenkii hore ee Koomishanka Maamul Wanaagga Axmed Xasan Ibraahim.

Guddoomiyaha Koomishanka Maamul Wanaaga Liibaan Ismaciil Cabdillaahi oo hadal ka jeediyay munaasibaddii xil-wareejinta ayaa waxa uu uga mahad-naqay Guddoomiye ku xigeenkii hore ee Koomishanka Maamul Wanaagga muddadii ay soo wada shaqaynayeen.

Guddoomiyaha oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Muddo labo sanno iyo dheeraad ah ayaanu Guddoomiye iyo ku xigeen isu ahayn Axmed Xasan Ibraahim, muddadaas waxaa noo suurta-galay muddadaa aanu wada shaqaynaynay sagaal habraac. Sidoo kale  waxaan gacmo furan ku soo dhawaynaynaa guddoomiye ku xigeenka cusub Naasir Ayjeex,”.

Agaasimaha Koomishanka Maamul Wanaagga Fadxiya Maxamed Cabdiraxmaan oo iyaduna hadal ka jeedisay halkaas ayaa waxa ay tidhi “Xilka qaranka isaga oo meerto ah oo maalin ba qof qabto, waxa xilka aan u kala wareejinaynaa Guddoomiye ku xigeenkii hore iyo Guddoomiye ku xigeenka cusub ee Koomishanka Maamul Wanaagga. Shaqaalaha iyo madaxda Koomishanka Maamul Wanaaga waa isku duuban yihiin”.

Guddoomiye ku xigeenka cusub ee Koomishanka Maamul Wanaagga Naasir Ayjeex Jaamac oo isaguna halkaasi hadal ka jeediyay ayaa waxa uga mahadnaqay Madaxweynaha Somaliland ee u soo magacaabay koomishanka maamul wanaagga, waxaan uu yidhi “Waxa aan u mahadnaqayaa Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ee ii soo igmaday in aan ka mid noqdo Koomishanka Maamul Wanaagga Jamhuuriyadda Somalialnd, in kasta oo meelo farabadan aan ka soo shaqeeyay si fiican ayaana u wada shaqayn doonaa,”.

Sidoo kale Guddoomiye ku xigeenkii hore ee Koomishanka Maamul Wanaagga Axmed Xasan Ibraahim oo halkaa ka hadlay ayaa waxa uu u mahadnaqay shaqaalaha Koomishanka Maamul Wanaagga, waxaana uu yidhi “Waxa aan u mahadnaqayaa shaqaalaha Koomishanka Maamul Wanaagga ee muddadaa aanu soo wada shaqaynaynay oo ahaa dad shaqada u hufan oo si wada jira u wada shaqeeya”.