Kulan Dhex-maray Hoggaanka Ururka SOLJA iyo Madaxa Xafiiska UN-ka ee JSL

0
70

Hargeysa (Dawan) Hoggaanka ururka Suxufiyiinta Jamhuuriyadda Somaliland ee SOLJA ayaa xafiiskooda ku qaabiley madaxa xafiiska Qaramada Midoobay ee Somaliland Mr. Nikolai Rogosaroff.

Kulankan ayaa intii uu socday waxaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa wada shaqaynta Ururka iyo xafiiska Qaramada midoobay iyo sidii xoogga loo saari lahaa arrimaha mudnaanta u leh warbaahinta Somaliland.

Mr. Nikolai Rofosaroff ayaa Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ku boggaadiyey hawlaha ay hayaan, isaga oo ballan qaaday inay wada shaqayn dhaw la yeelayanayaan, waxaanu kula dardaarmay inay ka shaqeeyaan tayaynta Warbaahinta dalka.

Sidoo kale waxa uu boggaadiyey waxqabadka iyo doorka warbaahinta ee dawlad-dhiska iyo horumarinta bulshada, dhinaca kalena waxa uu ku booriyay in ay qaybtooda ka qaataan hiigsiga, yoolasha iyo waxqabadka saxaafadda, isla markaana ay xoogga saaraan Barnaamijyada waxtarka u leh bulshada.

Ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, ayaa muddooyinkii danbe ku hawlanaa horumarinta adeeg bixinta ururku u hayo warbaahinta Somaliland qaybaheeda kala duwan, waxaaney kulamo kala duwan la qaadanayeen daneeyayaasha ku hawlan arrimaha warbaahinta.