Maareeyaha Dekedaha oo Qaabiley Safiirka Kiiniya u Fadhiya JSL

0
90

Berbera (Dawan) Maareeyaha dekeddaha Somaliland Mudane Siciid Xasan Cabdillaahi, ayaa xarunta dekedda magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil ku soo dhaweeyay Safiirka dalka Kiiniya u fadhiya Somaliland Ambassador Cabdiwali M. Xuseen iyo Amb Maxamed Cabdi Affey.

Maareeye Siciid ayaa warbixin ka siiyay hawlaha iyo adeegyada ay dekeda magaalada Berbera u qabato dalka iyo dalalka jaarka la ah Jamhuuriyadda Somaliland. Waxaanu soo mariyay qaybaha kala duwan ee dekedda Berbera ay ka kooban tahay.

Ambassador Affey, ayaa uga mahad celiyay soo dhaweynta uu u sameeyay maareeyaha dekadda Berbera.

Maareeye Siciid Xasan Cabdilaahi, oo ka warbixinayay booqashada danjire Affey, waxa uu yidhi “Waxaan Dekedda Berbera ku qaabilay Safiirka Kiiniya u fadhiya Somaliland, Amb Cabdiwali M. Xuseen iyo Amb Maxamed Cabdi Affey oo nagu soo booqday Dekedda Berbera.”