Madaxweynaha Kenya oo ka noqday go’aankii mamnuucida Qaadka

0
108

Madaxweynaha dalka Kenya William Ruto ayaa ka laabtay go’aankii muranka dhaliyay ee lagu soo rogay qeybo ka mid ah dalkaasi oo lagu soo rogay muguka, nooc ka mid ah maandooriyaha caanka ah ee loo yaqaan qaadka ama Miraaga.

Cunista geedkan laamaha iyo caleemaha jilicsan oo aad caan uga ah Kenya ayaa lagu eedeeyay in isticmaalkiisu uu keenay kor u kaca xannuuno dhinaca dhimirka iyo korodhka jirrooyinka bulshada, iyo weliba dembiyada.

Saddex  ismaamul oo xeebta ah ayaa guddoomiyeyaashoodu soo saareen go’aano ay ku mamnuucayaan iibintiisa iyo isticmaalkiisa todobaadkii hore, taas oo cadho ka dhalisay deegaannada uu ka soo go’o qaadku.

Madaxweyne Ruto ayaa Isniintii sheegay in dalagga muguka ama qaadku uu yahay mid sharci ah isla markaana aan laga hor tegi karin iibkiisa.

Muguka, ayaa Kenya looga yaqaan, laakiin Somalidu waxay u taqaan Khat ama Miiroo, waa raqiisan, awood badan dadkuna qabatimaan, wuxuu caan ka yahay gobollada xeebta ee Mombasa, Kilifi, Taita Taveta iyo Kwale.

Todobaadkii hore gudoomiyaha ismaamulka Mombasa Abdulswamad Shariff Nassir ayaa mamnuucay soo gelitaankiisa, gudbintiisa, iibiniisa iyo cunistiisa, geedkan muguka isaga oo ku sababeeyay waxyeelada ay u geystaan ​​dhalinyarada awgii.

Guddoomiye Nassir ayaa sheegay in in ka badan kala badh dadka ka soo kabanaya xarumaha dhaqan celinta ee Mombasa ay ahaayeen mugukayaal  ama dadka balwada qaadka leh.

Awaamiir tan la mid ah ayaa waxaa soo saaray gudoomiyaasha ismaamulada Kilifi iyo Taita Taveta kuwaas oo wacad ku maray in ay wax ka qaban doonaan iibintiisa iyo isticmaalkiisa.

Waxa ay mudaaharaad ka kicisay gobolka uu ka baxo muguka ee Embu, iyada oo beeralayda iyo ganacsatadu ay ka dhiidhiyeen khatarta ku imaan karta marka la mamnuuco dalagga faa’iidada badan leh waxay beeraan.

Isniintii, Madaxweyne Ruto ayaa kulan la qaatay hoggaamiyeyaasha deegaanka ee Embu si ay u soo afjaraan muranka muguka.

“Iyada oo muguka lagu aqoonsaday sharci qaran, sharci kasta ama amaro kasta oo ka hor imaanaya sharciga qaranka waa buray,” Mr Ruto ayaa ku yidhi bayaan ka soo baxay xafiiska madaxweynaha.

Madaxweyne Ruto ayaa sheegay in muguka uu ahaa dalag sharci ah sida uu qabo sharciga dalagga 2013 iyo xeerarkii Miraa 2023.

Wuxuu sheegay in dowladdu ay u qoondeyn doonto $3.7m (£3m) sanad maaliyadeedkan si loo ballaadhiyo beerashada qaadka ee dalka.

Laba dhaqdhaqaaqe ayaa sidoo kale ka horyimid mamnuucida muguka maxkamada.

In ka badan 10 qof oo ganacsato ah ayaa Jimcihii la soo dhaafay lagu xidhay magaalo xeebeedka ugu weyn ee Mombasa, iyada oo mamnuucidda maandooriyahaasi uu dhaqan galay, sida ay sheegtay warbaahinta gudaha.

Mamnuucidda ayaa taageero ballaadhan ka heshay ururro diimeed, iyada oo hoggaamiyeyaasha muslimiinta ee Mombasa ay ku baaqeen in muguka laga dhigo daroogo la tokooro.

Inkasta oo Hay’adda Qaranka ee Ololaha Ka-hortagga Xad-gudubka Daroogadu aanay mamnuucin muguka, waxay se sheegtay in ay ku jiraan walxo waxyeello leh oo ku salaysan kiciyeyaasha cathinone iyo cathin ee laga helo geedka.

“Qaddarka Cathinone iyo Cathine aad bay ugu badan tahay marka la ruugo,”.  John Mututho, oo ah madaxii hore ee hay’adda ka hortagga daroogada, waxa uu sheegay in kiimikooyinka ku jira muguka ay waxyeeleeyaann hawlaha caadiga ahaa ee jidhka.