Baalka ugu Qaalisan Adduunka ayaa Lagu Iibiyey Xaraash

0
95

Hal baal oo ka mid ah shimbirkii huia ee New Zealand ee hadda dabar go’ay ayaa dhigay rikoodh caalami ah ka dib markii lagu iibiyay 28,417 oo Dollar una dhiganta, £22,409 oo Ginni.

Baalkan ayaa markii hore la filayey in lagu iibsado ilaa $3,000, laakiin waxa ay jabisay rikoodhkii hore ee baal ay isku nooc yihiin lagu iibsado in ka nadan boqolkiiba 450%.

Shimbirta huia waxay muqadas u ahayd dadka Māori. Baalashooda ayaa inta badan lagu xidhan jiray madaxa sida madaxda dhaqameedka  iyo qoysaskooda iyo waliba dadka leh hibo ganacsi.

Aragtideedii ugu dambaysay ee la xaqiijiyay waxay ahayd 1907, laakiin muuqaal aan la xaqiijin ayaa la soo sheegay labaatan ilaa soddon sano ka dib, sida laga soo xigtay Matxafka New Zealand.

Huia waxay ahayd shimbir yar oo heesta oo ka tirsan qoyska wattlebird ee New Zealand waxaana lagu yaqaannay awoodeeda boodboodka iyo baalasheeda quruxda badan ee madow, laakiin cidhifyada ka cad-cad.

Baalkan oo la iibiyay Isniintii todobaaadkii hore waxa ay noqotay “xaalad cajiib ah”, ayay tidhi Leah Morris, oo ah Madaxa Guriga Xaraashka ee Webb.

“Weli waxay leedahay dhalaalkeeda gaarka ah, mana jirin waxyeello ama isbedel ah,” ayay u sheegtay BBC-da.

Waxay intaas ku dartay in guriga xaraashka uu shaygan xafiday, una sameeyay muraayadda difaacda iyo warqad ilaalin kale, taas oo u ilaalisay muuqaalkeedii dhabta ahaa.

Baalku waxa uu u diiwaan gashan yahay sidii nidaam hoos imanaya sida loo ilaaliyo walxaha Maori dhaqanka u leeyihiin. Waxaa loo ogolyahay in ay iibsadaan kuwa wax aruuriya ee haysta shatiga nidaamka, kamana ka bixi karaan dalka fasax la’aan wasaaradda hidaha iyo dhaqanka.

Xiisaha sare iyo xamaasadda dadka reer New Zealanders ayaa sidoo kale gacan ka geysatay kor u qaadista qiimaha, sida ay sheegtay Ms Morris.

“Waxaan helnay tiro badan oo dad ah oo arkaya sida loo noqdo ururiye diiwaangashan,” ayay tidhi.

” Hadaanu nahay New Zealanders, aad baannu u danaynaynaa daryeelka dhulka, deegaanka iyo dhirtayada iyo xayawaankayaga”

” Shimbirtani hadda waa dabar go’ay, waxaan eegi doonnaa shimbiraha kale ee New Zealand oo aan ka ilaalino in taasi mar kale dhacdo.”

Waagii hore, baalasha huia waxay calaamad u ahaayeen dadka Maori. Wuxuu ahaa shimbir naadir ah ka hor imaatinkii Yurubiyaanka, noocyada ayaa noqday bartilmaameedka kuwa wax aruuriya iyo ganacsatada moodada ah ka dib markii ay caan ka noqdeen kuwa yimid New Zealand, taasoo keentay in la dabar gooyo, sida laga soo xigtay Matxafka New Zealand .