Masuuliyiinta Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta JSL oo la Kulmay Gudida Shareecada ee Golaha Wakiillada

0
117

Hargeysa (Dawan)- Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta JSL, Mudane Maxamed Xaaji Aadan Cilmi oo uu weheliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Khaalid Ibraahim Xasan (Oday) ayaa shalay hortagey guddida shareecada, dhaqanka iyo qoyska ee Golaha Wakiilada Somaliland, iyagoona ka wada hadlay sidii dalka diintiisa, akhlaaqdiisa, dadnimadiisa iyo hawlihiisa Islaamiga ah loo ilaalinlaha.

Ugu horeyn Wasiirka ayaa guddida warbixin ka siiyay shaqada ay qaranka u hayaan, waxyaalihii u qabsomay mudadii uu Xafiiska Joogay iyo waxa u qorshaysanba.

Intaa kadibna Gudida Shareecada ee Golaha Wakiilada ayaa Masuuliyiinta Wasaaradda wax ka waydiiyey Hawlaha shaqo ee ay qaranka u hayaan ,Caqabadaha ,Fursadaha iyo weliba sidii ay isu kaashan lahayeen Gudida shareecada iyo Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta JSL

Markii kulanku soo dhamaaday Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo awqaafta Somaliland Mudane Maxamed Xaaji Aadan Cilmi oo warbaahinta la hadlay ayaa Yidhi .“Kulanka ay guddidu noogu yeedheen waxa aanu ku faahfaahinay, wixii noo qabsoomay, waxa ay tahay in aynu qabsano iyo wixii wadeecooyin iyo mushaakilaad jira ee u baahan in wax laga qabto, marka waxa aanu isla qaadanay is-afgarad iyo wada shaqayn waxaanu ILLAAHEY ka rajjeynayna in go’aanada la qaatay ay noqon doonaan kuwa midho dhal ah oo Qarankan iyo bulshadiisa wax weyn ku soo kordhiya, ku dhaqanka diinta, barashada iyo kor u qaadista Shareecadeena Islaamka, iyo ka hortaga wax kasta oo waxyeelo ku leh,”

Guddida shareecada, dhaqanka iyo qoyska ee Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa wasiirka iyo masuuliyiintii la socday uga mahadceliyay warbixinta waafiga ah ee uu guddida ka siiyay hawlaha shaqo ee uu u qabto.

Xildhibaan Siciid Maxamed Ismaciil (Sokeeye), oo ka tirsan guddida shareecada, dhaqanka iyo qoyska ee Golaha Wakiilada, ayaa warbaahinta la wadaagey qodobadii ay ka wada hadleen wasiirka diinta iyo masuuliyiintiisii ay u yeedheen.

Waxaanu yidhi. “Waxaanu maanta halkan ugu yeedhnay wasiirka Diinta iyo awqaafta Somaliland iyo masuuliyiintiisi, waxaanu aad u lafa-gurnay wixii khayr iyo wanaag u ah bulshadeena.

Sifiican ayay uga jawaabeen su’aalihii aanu weydiiney wasiirka iyo masuuliyiintii la socdayba, dhammaantoodna waxa ay salka ku hayeen, sidii dalkan diintiisa, akhlaaqdiisa, dadnimadiisa iyo hawlihiisa Islaamiga ah loo ilaalinlaha,”

Gaba-gabadii wasiirka iyo guddida ayaa isla qaatay in ay ka wada shaqeeyaan horumarinta arrimaha diinta.