Si Fudud Uga Guulayso Cadowgaaga!

0
68

Shimbirka kaliya ee ku dhiirada inuu gorgorka wax ku dhufto waa tukaha. Tukuhu Dhabarka Gorgorka ayuu ku fadhiistaa halkaasi oo aanay shimbir kale ku dhici Karin inay ku gaadho, waxaana uu ku si xoogan oo xanuun badan ugu dhuftaa afkiisa dhuuban (minqaarkiisa). ย Si kastaba ha ahaatee, gorgorka ay dhibtaasi haysato uma jawaabo lamana dagaalamo. Isla markaana Wakhti iyo tamar midna iskagama bixiyo Tukaha, waxaana uu adakystaa qaniinyada xanuunka badana ee afkiisa dhuuba.

Laakiin Baalashiisa ayuu kala bixiya waxaana uu bilaabaa inuu hawada sare sare u baxo. Mar kasta oo gorgorku hawada sare sii koro waxa ku adkaata Tukaha dhabarkiisa saaran neefsashada .

Muddo ka yar ka dibna tukuhu waa uu soo dhacaa isagoo dhintay sababtuna waa isagoo waayay hawada neefsashada ee ogsijiinta, waayo Gorgorku waxa uu gaadhay meel aanu Tukuhu gaadhin marka uu duulayo oo ku adag. Hadda habkaas farsamada sare ah ee Gorgoruku saameeyay ee ah inaad cadowgaaga ka sarayso ayaa muhiim u ah qof kasta. Waana in aad taqaano heerka awoodiisa sida Gorgorku u gartay heerka neefsashada ogsiinta ee Tukaha..

Iska jooji wakhtiga badan ee kaaga lumaya cadawoga. Keliya waxa kugu filan in aad gaadho meel iyagu aanay gaadhi karayn oo ka saraysa. Dadaalkaagana xooji si aad u dhaafto heerka fikirkiisa kooban.