Tababar loo soo Xidhay Madaxda Qaybaha Garoonka Diyaaradaha ee Caasimadda Hargeysa

0
137

Hargeysa (Dawan) Maareeye ku-xigeenka hay’adda duulista iyo madaarada Jamhuuriyadda Somaliland Sharmaake Ismaaciil Idiris, ayaa tababar u soo xidhay madax-qaybeedyada madaarka diyaaradaha magaalada Hargeysa ee Cigaal International Airport.

Saraakiishan ka tirsan garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa, ayaa lagu tababaray hoggaaminta iyo maareynta hawlaha iyo shaqada madaarada.

Tababarkaas oo socday muddo laba cisho ah ayaa ujeedadiisu ahayd kobcinta iyo kor u qaadidda shaqo ee looga baahan yahay saraakiisha Madaarka, si loo gaadho hufnaan iyo halbeeg sugan oo lagu muuneeyo shaqada had ba taagan.

Maareeye ku xigeenka hay’adda duulista ayaa kula dardaarmay ka qayb-galyaasha inay weeleyaan aqoonta, sidoo kalena waxa uu boggaadiyay dadaalada madaxda garoonku ay kor u qaadayaan xirfada shaqaalaha.

Maareeye ku-xigeenka hay’adda duulista Somaliland ayaa sheegay in tababarkani faa’iido weyn u leeyahay madax-qaybeedyada ka soo qayb-galay, waxaanu xusay in uu yahay mid kor loogu qaadayo khibradooda iyo aqoontooda, waxaanu ku boorriyay inay weeleeyaan casharadii ay siinayeen khubaradii tababarka bixinaysay, si ay ugu dabaqaan shaqada ay qaranka u hayaan.

Gaba-gabadii madax-qaybeedyadii tababarkani dhammeystay ayuu Maareeye ku xigeenku guddoonsiiyay shahaadooyinkii lagu siiyay tababarkii loo qabtay.