Wasaarada Waxbarashada iyo Jaamacadaha Dalka oo ka Shiray Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dalka

0
84

Hargaysa (Dawan): Masuuliyiinta wasaaradda waxbarashadda iyo masuuliyiinta jaamacadaha dalka ayaa shalay magaaladda Hargaysa kulan ka yeeshay sidii loogu diyaar garoobi lahaa imtixaanka shahaadiga ah ee sanadkani 2024-ka.

Waxaana kulankaasi ka soo qayb galay wasiirka wasaaradda Waxbarashadda iyo Sayniska Somaliland Axmed Buuxane, wasiirka Maaliyadda Sacad Cali Shirre, iyo guddoomiyaha xafiiska imtixaanaadka qaranka Daa’uud Axmed Faarax, guddoomiyaha guddiga waxbarashadda qaranka.

Sidoo kale waxaa kulankaasi ka soo qayb galay masuuliyiin ka kala socday jaamacadaha dalka, iyo guddoomiyeyaasha waxbarashadda ee goboladda dalka.

Wasiirka waxbarashadda iyo Sayniska Somaliland Axmed Buuxane, oo kulankaasi ka warbixiyay ayaa sheegay in kulankani uu la xidhiidho kulano is daba joog ahaa, oo muddo afar bilood ah soo socday, oo lagaga doodayay qaabka loo qaadi doono imtixaanka shahaadiga ah dalka.

“Maanta (shalay) waxaanu soo gebagabaynay kulamo is daba joog ahaa, oo muddo afar bilood ah soo socday, oo lagaga doodayay qaabka loo qaadi doono imtixaanka shahaadiga ah, iyo ka qayb galka ay jaamacadaha dalku ka qayb qaadan doonaan ilaalinta iyo kormeerka, ee imtixaanka guud, kulankaasina maanta (shalay) ayaanu soo gebagabaynay” ayuu yidhi wasiir Buuxane.

Daa’uud Axmed Faarax, guddoomiyaha xafiiska imtixaanaadka qaranka Somaliland oo kulankaasi hadal ka jeediyay ayaa ka warbixiyay u jeedadda shirkaasi, iyo qodobadda lagaga wada hadlay.

Waxaanu yidhi“Waxaan u sheegaynaa waalidiinta iyo ardayda sanad dugsiyeedkan 2023-ka iyo 2024-ka u fadhiisanaya imtixaanka shahaadiga ah, in aanu idiinku bushaarayno in haba yaraatee aanu jirin wax isbedelay, oo culays ah oo imtixaanka ku yimid aanu jirin”.

“Waxaa laga yaabaa in ay dad war-xumo tashiil ahi caruurta khal-khal ku ridaan, oo la yidhaahdo caruurta waa la ridayaa, arrintaasi ma jirto. Sidii ardayda imtxiaanka loogu fududayn lahaa, ee loogu dhib yarayn lahaa, ee sida ugu naxariista badan loogu diyaarin lahaa ayaa laga wada hadlayay. Wax alla wax mushkilad ah oo jirtaa ma jiro. Waxa keliya ee aan rabnaa waa in waxbarashadeena tayadeedda aan kor u qaadno”ayuu yidhi guddoomiyaha xafiiska imtixaanaadka qaranka Somaliland.

Geesta kale waxaa iyagna halkaa ka hadlay xubno ka mid ahaa masuuliyiintii ka socday jaamacadaha dalka, iyo sidoo kale guddoomiyeyaasha waxbarashaddaa ee goboladda dalka, waxaanay dhamaantoodba soo dhaweeyeen in wadatashi sidan u muhiim ah laga gallo hanaanka loo qaadayo imtixaanaadka shahaadiga ah ee sanad dugsiyeedka 2023-ka iyo 2024-ka.