Dekedda Berbera oo Kaalinta Labaad ka Gashay 10-ka Dekedadood ee ugu Horreeya Afrika

0
95

Hargeysa(Dawan)Warbaahinta Business Insider Africa, ayaa qoray tobanka dekedood ee ugu adeega wanaagsan qaarada Afrika, waxana marsada Berbera ay ka gashay kaalinta labaad.
Warbixintan oo ay soo xigatay Wakaaladda Wararka SOLNA, waxa qoray weriye Chinedu Okafor oo ah suxufi khibrad u leh ganacsiga iyo dekedaha. Waxaanu soo bandhigay dekedaha ugu horreeya qaarada Afrika.
Warbixintu waxay caddaysay in dekedda Berbera ee Jamhuuriyadda Somaliland ay kaalinta labaad ka gashay liiska kala horeynta dekedaha Afrika. Waxana sida lagu xusay warbixintan ka horreysa oo ka kaliya dekedda Jabuuti.
Waxa kaalinta saddexaad ku jirtay dekedda Conakry ee dalka Guinea, halka kaalinta Afraad ay gashay marsada Dakar ee waddanka Senegal.
Waxa kale oo lixda kala yihiin:-
5. Dekedda Matadi Jamhuuriyadda dimuqraadiga Congo.
6. Marsada Tema ee waddanka Ghana.
7. Dekedda Muqdisho ee Soomaaliya.
8. Dekedda Beira ee dalka Musambiig.
9. Dekedda Freetown ee Sierraleone.
10. Dekeda Toamasina ee waddanka Madagaskar.