Mar Labaad Ayaynu Madaxwaynaha u Dooranaynaa Difaaca iyo Horumarka Qaranka” Siyaasi C/wali Sh Suufi

0
96

Hargaysa (Dawan) Wasiirkii hore ee wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiwali Sheekh Suufi ayaa sheegay in ay mar labaad Madaxwaynaha Somaliland lagu dooranayo difaac dalka iyo horumarka ay xukuumadu ku talaabsatay.

Wasiir hore Cabdiwali Sheekh Suufi ayaa sidan ka sheegay mar uu ka hadlayay munaasibad ballaadha oo lagu taageerayay Xisbiga tallada haya ee Kulmiye oo ka dhacday magaaladda Hargaysa.

Cabdiwali Sheekh Suufi ayaa bulshadii ka soo qayb gashay munaasibad taageerada Xisbiga Kulmiye uga waramay in heshiiskii xukuumadda Kulmiye hirgalisay ee Itoobiya uu dhawaan dhammaanayo isla markaasina ay bulshada Somaliland caalamka ka helayaan aqoonsi buuxa iyo Ictiraaf.

Wasiir hore Cabdiwali Sheekh Suufi ayaa taageerayaashii Xibsiga Kulmiyie ee madashsa soo buux dhaafiyay ku booriyay inay u diyaar garoobaan dootashada dalka ka qabsoomaysa diyaarna la ahaadaan codkooda oo ay siiyaan Kulmiye iyo Madaxwaynaha Qaranka Muuse Biixi Cabdi waxaanu yidhi

“ In shan kun gudaha hoolka fadhiyaan dadkiina dibada taagan yihiin waxa ay ku tusaysaa in codka Kulmiye meel yaalo, 13 Novenber mar labaad baynu madaxwaynaha ugu ridaynaa codkeena difaaca Qaranka horumarka uu sameeyay iyo wax qabadka uu sameeyay, maalin dhawna heshiisku wuu soo socdaa, waxa inoo soo socda Ictiraafkii, sow halkaasi ka wada hadli mayno, codkeenu sow Kulmiye maaha ciddii doontaaba ha hadasho”.