Nin Diiday Cafis Xadhiga Dheer Oo Lagu Xukumay!

0
69

Joseph Ligon oo  dalka Maraykanka u dhashay oo lagu riday xukun xabsi daa’in isagoo da’diisu ahayd 15 sano, sanadkii 1953, ka dib markii lagu eedeeyay in uu dilay laba nin ayaa xabsiga laga sii daayay isagoo da’diisu gaadhay 83 sano.

Joseph Ligon oo wakhtigaasi ahaa wiil caruur ah ayaa diiday inuu falkaasi geystay laakiin markii lagu helay denbiga ayaa lagu riday xukunka xabsiga inuu weligii  ku jiro.

Sharciga Maraykanka ayaa dhigaya in qofku marka uu 50 sano ku jiro jeelka dib loo eego xukunkiisa, loona bandhigo gudiga cafiska, laakiin gudida cafiska loo gudbiyay iyaguna waxa ay isu dhaafiyeen maxkamadda sare taasi oo cafis u fidisay iyo in xabsiga laga sii daayo.

Maxkamadda sare ayaa soo saartay in ninkan odayga ah la sii daayo, laakiin waxa yaab noqotay in Joseph Ligon uu diiday inuu jeelka ka baxo isagoo sheegay in noloshiisa inta u badan uu halkan ku qaatay, oo uu la qabsaday, isla markaana aanu garanyan meel uu tago. Wakhtigan Joseph Ligon waa 79 sano, waxaana uu ku jira da’ aanu waxba qabsan karin. Sawiradiisa iyo sida ay isu bedelayeen ayaa mid kasta lagu soo bandhigay wargeyska dailymail oo dhacdadan soo gudbiyay.