Cisbitaalka Guud ee Hargaysa oo Bulshada uga Digay Khatarta Xumadda

0
53

Hargaysa (Dawan) Cisbitaalka guud ee magaaladda Hargaysa ayaa bulshada ugu baaqay inay ka digtoonaadaan xumada daran ee hadda ku jirta dalka, taasi oo dhibaato badan ku haysa dadka waayeelka ah iyo dadka xanuunada la nool.

Agaasime ku xigeenka Cibitaalka guud ee Hargaysa Dr. Cadnaan Sayid Cabdoo ayaa bulshada uga digay halista xumada daran ee soo noqotay (Dangue fever) waxaanu sheegay in ay aad u saamasay bulshada inteeda badan, isla markaasina kiisas badan oo xumada ahi ay soo gaadhayaan Cisbitaalka Hargaysa.

Dr. Cadnaan Sayid ayaa waxa uu shacabka ugu baaqay inay ka fogaadaan goobaha lagu hayo dadka ay soo ridatay xumadu, si aanay iyagana u saamayn maadaaa ay fidinayso Kaneecadu.

Agaasime ku xigeenka Cisbitaalka Hargaysa ayaa ka waramay dhibaatada ay leedahay xumadan iyo sida ay u saamayso dadka nugul ee xanuunada la nool oo uu sheegay inay u nugul yihiin bulshada inteeda kale.

Dr. Cadnaan ayaa bulshada faray inay isticmaalaan waxyaabaha lagula dagaalamo Kaneecada iyo inay hagaajiyaan nadaafada guryaha, lagana hortago goob kasta oo ay Kaneecada hoy u noqon kara.

Agaasime ku xigeenka Cisbitaalka Hargaysa ayaa sheegay in ay mar kasta heegan ugu jiraan sidii ay ula tacaali lahaayeen bukaanada ay soo ridato xumadu, taasi oo uu sheegay in ay heegan u yihiin dhamaan shaqaalaha Cisbitaalku, bulshadana ay diyaar ugu yihiin.

Dr. Cadnaan ayaa soo jeediyay in bulshadu ay habeenkii isticmaalaan maro Kaneecada lagu seexdo iyo in dadku ay gashadaan maryo jidhkooda qarinay ama ay sidoo kale marsadaan dhaashiyada lagula dagaalamo Kaneecada.