Claudia Sheinbaum: Haweeneydii ugu Horreysay ee Madaxweyne ka Noqota Waddanka Mexico

0
55

Claudia Sheinbaum, Madaxweynaha cusub ee Mexico, waa haweeneydii ugu horeysay ee ku guuleysata doorashada guud ee Waqooyiga Ameerika.

Sheinbaum waxay ka timid qoys Yuhuudi ah waxayna ka mid tahay saddex carruur ah. Intii lagu guda jiray 1930-meeyadii, awoowayaashood ka soo carareen gardaradii Nazi-ga, iyaga oo Bulgaria uga tagay Mexico.

Iyada oo arday ah 1980-meeyadii, Sheinbaum waxa ay ku biirtay mudaaharaadyada ardayda ee looga horjeeday faragelinta gobolka ee siyaasadaha waxbarashada. Waxay 1995 shahaado dhakhtarnimo ah oo ku saabsan injineernimada tamarta ka qaadatay jaamacadda National Autonomous University of Mexico 1995. Si ay u diyaariso cilmi-baadhisteeda, waxa ay muddo ku qaadatay jaamacadda California ee Berkeley ee dalka Maraykanka.

Kadib markii ay waxbarashadeedii soo gebagebowday, waxa ay bilawday xirfad dhanka waxbaridda. Waxay ka tirsanayd Golaha Qaramada Midoobay ee Isbeddelka Cimilada. Guddiga ay ku jirtay markii dambe abaalmarinta nabadda ee Nobel la qaatay Al Gore, madaxweyne ku xigeenkii hore ee Maraykanka.

Sheinbaum, oo asal ahaan baratay sayniska cimilada, waxay ku biirtay masraxa siyaasadda 2000 markii ay noqotay madaxa deegaanka ee Andres Manuel Lopez Obrador, duqii hore ee Mexico City, waxa aad wax ula qabtay Andres Manuel Lopez oo markii danbena noqday madax weynaha Mexico. Markii laga dhigay madaxa deegaanka waxay diiradda saartay wasakhowga ba’an iyo dhibaatooyinka gaadiidka ee magaalada.

2015, Sheinbaum waxaa loo doortay in ay maamusho degmada ugu weyn Mexico City, Tlalpan. Ka dib markii dugsi hoose uu dumay oo dilay 19 carruur ah dhulgariir 2017, waxay la kulantay eedeymo maamul xumo.

Waxay noqotay haweeneydii ugu horreysay ee noqota duqa magaalada Mexico City sannadkii 2018, iyada oo lagu xusay xoojinta ammaanka. Heerka dilka caasimadda ayaa hoos u dhacay 50%. Waxaa lagu dhaleeceeyay 2021 ka dib shil tareen dhulka hoostiisa ah oo ay ku dhinteen 26 ayaa lagu eedeeyay kormeer ku filan iyo dayactir la’aan. Waxay beenisay in dayactirku uu ahaa sababta shilka.

In ka badan laba qarni, Mexico waxaa si weyn u xukumayay rag. Haweenka Mexico waxay awoodeen inay codeeyaan tan iyo 1953, mana jiro sharci u diiday inay qabtaan xafiis dadweyne. Haweenku waxay hormuud ka yihiin qaar ka mid ah xarumaha caanka ah, oo ay ku jiraan Guurtida, Maxkamadda Sare, iyo Machadka Doorashooyinka Qaranka. 32-da gobol waxaa ka jira 10 dumar ah oo guddoomiyeyaal ah. Hase yeeshee jinsiga iyo dhaqanka “macho” ayaa weli ah mid baahsan, ragguna waxay maamulaan awoodda qaar ka mid ah tuulooyinka asaliga ah.

Haweenka Meksikaanka ayaa sidoo kale nafis kalama kulmaan xagga jinsiga, xagga shaqada may gaadhin raga, dhinaca siyaasadana way xaddidan yihiin. Xagga qoyska daba socod u yihiin ragga. Ilaa 10 haween ah ayaa maalin walba dhibanayaal dil ah loogu geystaa Mexico, sida laga soo xigtay Haweenka Qaramada Midoobay. 2023, tiradu waxay noqotay 3,000. Kumanaan kale ayaa la waayay.

“Waan isbeddeleynaa. Waxaan nahay dagaalyahanno waddooyinka kale u furaya,” Sheinbaum ayaa tidhi intii lagu jiray ololaha.

Haweenka iyo gabdhaha Meksiko waxay sidoo kale haweenka Mexico waxay ku uur da’ yaraan, iyada oo 147,279 oo dumar ah ayaa ku dhala iyada oo da’doodu u dhaxayso 15-19. 2023, Maxkamadda Sare ee Mexico waxay xukuntay in sharciyada qaranka ee mamnuucaya ilmo iska soo rididda ay yihiin kuwo aan dastuuri ahayn, laakiin ololeheeda Sheinbaum kama aanay hadlin ilmo iska soo rididda.

Waxaa dhaleeceeyay haweenka iyo dadka u ololeeya siyaasad la’aanta jinsiga ee dawladeeda iyo xoog xad-dhaaf ah oo ka dhan ah haweenka xilliyada banaanbaxyada.

Inta lagu jiro madaxweynaheedii, Sheinbaum waxay sidoo kale ku qasbanaan doontaa inay fuliso ballamihii ololaheeda ee barnaamijyada bulshada ee la kordhiyey in kasta oo kharashka sanadka doorashada uu ku baxay madaxweynihii hore Lopez Obrador kaas oo keenay hoos u dhac miisaaniyadeed kii ugu sarreeyay tan iyo 198-meeyadii. Maamulka Sheinbaum waa inuu joogteeyaa kharashaadka ama wuxuu halis gelinayaa inay waxyeelo u geysato sumcadda Mexico.