Codka lagu soo Baxo Shacbiga ayaa Bixiya Shacbiguna Codka Kuma Bixiyo Cay iyo Dhaleecayn iyo Xumaan….” Samaale

0
49

Burco (Dawan): Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee xisbiga Kulmiye C/casiis Maxamed Samaale, ayaa sheegay in xisbigoodu uu mar saddexaad ku guulaysan doono doorashooyinka madaxtooyaddda ee la qorsheeyay in ay dayaaqadda sanadkan dalka ka dhacaan.

Waxaanu ku dooday in maadaama oo uu xisbigoodu yahay kan ugu da’da weyn asxaabta Somaliland isla markaana uu haysto cududda taageereyaasha ugu badan wadanka, sidaas darteedna ay ku rejo weyn yihiin in ay mar saddexaad kursiga ku guulaystaan.

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee xisbiga Kulmiye C/casiis Maxamed Samaale, kulanka xog waranka taageereyaasha xisbiga Kulmiye ee gobolka Togdheer, oo ay magaaladda Burco kula yeesheen masuuliyiinta sar sare ee xisbigaasi oo safar shaqo ku maraya goboladda bariga dalka.

Waxaanu yidhi “Inagu waxaynu nahay xisbiga Kulmiye, oo 22 sanadood jiray. Xisbiga Kulmiye, wuxuu kulmiyay ummada reer Somaliland oo dhan, gobolkan Togdheer, iyo magaaladan Burco-na waxay ka mid yihiin, halkii uu xisbiga Kulmiye dhigtay guushiisa, ee uu dhidibadda ku taagay, codkii ugu badnaa, iyo taageeradii ugu badnaydna uu ka helay. Burco waa hooyadii xisbiga Kulmiye, waana halkii laga aasaasay dalkan jamhuuriyadda Somaliland”.

Geesta kale C/casiis Samaale, waxa uu sheegay in codka lagu kala guulaysto ay shacbigu bixiyaan, isla markaana aanay codkooda ku bixinin cay, ceebayn, iyo dhaleecaynta xisbiyadda kale, sidaas darteedna ay iyagu Kulmiye ahaan ay yaqaanaan halka laga raadiyo codka shacabka.

“Xisbi 22 sanadood jiray, oo laba jeer dalka taladiisa qabtay, saddex doorasho madaxweyne oo dalka ka dhacayna laba jeer ayuu ku guulaystay, doorashadan imikana markii saddexaad ayuu ku guulaysan doonaa insha Allaah. Ummada reer Somaliland ee Kulmiye aaminsan ayay guushiisu ku xidhan tahay, codka lagu soo baxo shacbiga ayaa bixiya, shacbiguna codka kuma bixiyo cay, iyo dhaleecayn, iyo xumaan kuma bixiyo”ayuu yidhi guddoomiye ku-xigeenka labaad ee xisbiga Kulmiye C/casiis Maxamed Samaale.

Isagoo hadalka sii watayna waxxa uu yidhi “Kulmiye cida codka bixisa halka laga raadiyo ayuu yaqaanaa. Waana ta uu ku gaadhay guulaha badan, waana ta uu ku gaadhi doono. In aynu wax xag xagano, iyo in aynu wax cayno, iyo in aynu wax ceebayno, midnaba inooma taallo. Dadka codaynaya qalbiyadoodda cayda laguma hello, codka dadka shacabka ah laguma hello, oo laguma hantiyo been la sheego, iyo dadka walaalaha ah oo la kala fogeeyo codka laguma hello”.