Komishanka Doorashooyinka JSL oo Kulan u Qabtay Ururrada Bulshada

0
54

Hargaysa (Dawan) Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland ayaa kulan la qaatay ururrada bulshada rayid ee Somaliland, kaasi oo ujeedadiisu ahayd is xog-warasyi iyo talowadaag la xidhiidh arrimaha doorashooyinka Madaxtooyadda iyo urrurada siyaasadda.

Kulankan ayaa waxa gudoominayay gudoomiyaha Komishanka doorashooyinka Qaranka Muuse Xasan Yuusuf, waxaan ka soo qayb galay badi ururrad rayidka ah eek a jira Somaliland.

Intii kulankan socday waxaa diirada lagu saaray xaaladaha doorashooyinka dalka ku soo foodka leh iyo sidii la isaga kaashan lahaa qabashadooda, loona gabar joogsan lahaa xubnaha masuulka ka ah qabashada doorashooyinka ee loo igmaday.

Masuuliyiinta ka socday ururrada rayidka ah ayaa goobta ka soo jeediyay talooyin la xidhiidha arrimaha doorashooyinka, sidoo kale waxa ay su,aalo la xidhiidh doorashooyinka waydiiyeen madaxda Komishanka doorashooyinka Qaranka.

Komishanka doorashooyinka Qaranka ayaa qoraal ka soo saaray kulankan waxaanu u dhignaa sida tan:-

“Komishanka Doorashooyinka Qaranka JSL ayaa kulan u qabtay ururrada bulshada rayidka ah ee JSL.

Kulankan ayey KDQ ku soo bandhigeen qorshaha guud doorashooyinka, waxyaabaha u qabsoomay lix billoodkii ugu danbeeyey, iyo muhiimadda wadashaqaynta ka dhaxaysa KDQ iyo Ururrada Bulshada JSL.

Dhanka kale Ururrada bulshadu waxay KDQ la wadaageen talooyin la xidhiidha hirgallinta doorashooyinka soo socda iyo hannaanka iskaashiga labada dhinac, sida oo kale waxay KDQ su’aalo ka weydiiyeen hawlaha diyaargarowga Doorashooyinka Madaxweynaha, Ku-xigeenka Madaxweynaha iyo Doorashada Tooska ah ee Xisbiyada Qaranka JSL.ee 13.November 2024”.