Wefti uu Hoggaaminayo Wasiirka Ganacsiga Somaliland oo Mashaariic Horumarineed ka Fuliyay Degmada Boon

0
67

Hargaysa (Dawan) Wefti uu hogaaminyo murashaxa madaxwayne ee Xisbiga Kulmiye ahna wasiirka wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Somaliland Maxamuud Xasan Sacad Saajin ayaa mashaariic horumarineed ka fuliyay degmada Quljeed iyo Boon.

Udeedada weftiga ayaa ahayd dib-udhiska dugsiga hoose dhexe ee Quljeed iyo inay ku wareejiyeen qaybta Booliska degmada Boon oo aad ugu baahnaa gadiid ay kaga shaqeeyaan amniga iyo nabadgelyadda degmada Boon.

Wefti uu hogaaminaayo musharaxa madaxweyne kuxigeen ee xisbiga KULMIYE ahna wasiirka wasarada ganacsiga iyo dalxiiska Somaliland Maxamuud Xasan Sacad Saajin oo ay kamid hayeen wasiirka wasarada waxbarashada, mareyaha hayada wadooyinka Somaliland,wasiir kuxigeeno, agaasimeyaal guud, gudoomiyeyasha gobolada Awdal, Selel iyo Hawd ayaa shalay si balaadhan loogu soo dhaweeyay degmooyinka Quljeed iyo Boon oo ka tirsan gobollada Awdal iyo Selel.

Masuliyiintani ayaa kormeeray dibu-dhiska dugsiga hose dhexe ee degmada Quljeed oo ay dhisayso xukuumada Somaliland, kaasi oo ay dhawaan burburiyeen roobab ka da’ay degaankaasi, waxana ay sidoo kale si wadajira u dhagax dhigeen guriga martida oo laga dhisaayo degmada Quljeed.

Intaa kadib waftigan ayaa gaadhi loogu talagalay ciidanka booliska degmada Boon ku wareejiyay maamulka iyo taliyaha qaybta Booliska Degmadaasi, waxana ay halkaasi ka balan qaadeen mashariico horumarineed oo laga hirgalinaayo degmada Boon iyo qaar ka mida deegaanada hoos imaada.