Xukuumadda oo Qaaday Tallaabo lagu Horumarinayo Adeeg-bixinta Dekeda Berbera

0
71

Berbera (Dawan) Xukuumadda Somaliland ayaa qaaday tallaabo kor lagu horumarinayo adeeg-bixinta dekedda Berbera, iyada oo kulamo kala duwan la yeelatay daneeyayaasha Dekedda, sida masuuliyiinta shirkadda D.p.World, maamulka kastamka Berbera, ururka Mukhalasiinta ee SOFA, maamulka xafiirka heer gobo lee cashuuraha bariga, waxaana intii kulankaasi socday la isla qaatay fududaynta guud ahaan hanaanka la bixista badeecaddaha, kuwa soo degaya iyo kuwa dhoofayaba iyo daryeelka macmiisha.

Kulankan waxa shir guddoomiyay wasiirka wasaaradda horumarinta Maaliyadda JSL Mudane Sacad Cali Shire iyo agaasimaha guud ee wasaaraddaasi Mudane Maxamed Xuseen Cismaan iyo masuuliyiin kale oo maalmihii la soo dhaafay hawlo shaqo u joogay magaalada Berbera.

Masuuliyiintan ayaa intii ay kormeerkaasi ku gudda jireen kulama kala duwan la qaatay daneeyayaasha dekedda Berbera.

Geesta kale waxyaabaha mudnaanta leh ee la isdultaagey intii kulamadani socdeen waxa ka mid ahaa, in la fudeydiyo hanaanka adeeg-bixinta dekedda, iyada oo la soo koobayo tallaabooyinka shaqo ee ay maraan macaamiisha adeegsata dekadda Berbera.

Dhanka kale waxa talo-bixinno iyo soo jeedimo laga dhagaystay ganacsatada si xal loogu helo wixii fudeydin ah ee ay uga baahdaan Dekadda Berbera.

Gaba-gabadii wasiir Sacad ayaa ganacsatada adeegsata dekadda Berbera ugu bushaareeyey in loo fudeydin doono dhamaan adeegyada loo qabto, isla markaana la tixgalin doono dalabkooda, waxaanu uga mahadceliyay sida wanaagsan ee ay ula shaqeeyaan dekedda.