Koomishanka Xakamaynta HIV AIDS-ka oo ka Dayriyay kor u kac ku yimid Xannuunka

0
67

Qore Khadar M .Xaashi

Hargeysa (Dawan) Agaasimaha Daaweynta iyo daryeelka Koomishanka Qaranka JSL ee Xakameynta HIV/AIDS, ee xannuunka HIV/AIDS, Sahra Maxamed Xuseen oo warbaahinta kula hadashay xafiiskeeda ayaa ka dayrisay isla markaana sheegtay in xannuunka HIV/AIDS uu sare u kacay xilligan.

Marwo Sahra ayaa sabab uga dhigtay kor u kaca xanuunka HIV/AIDS, dadka ka soo tallaabaya xadka ay wadaagaan Somaliland iyo Itoobiya.

Geesta kale waxa ay xustay in xannuunka cidda ugu badan ee uu hadda ku dhaca ay tahay dhallinyarada, waxaaney hoosta ka xariiqday in tirada dadka qaba xannuunka HIV/AIDS ay sarre u kacday, waxaaney bulshada ku waanisay in markasta la isbaadhso, qofkastaana si dhaw ula socdo xaaladiisa caafimaad.

Sidoo kale waxa ay tilmaantay in shirkadaha waa weyni marka ay qaadanayaan shaqaalaha in qofkii xannuunka laga helo ay diidaan.

Waxaaney tidhi.“Dadka inta badan xannuunka la nooli waa dadka danyarta ah ee aan waxba haysan isla markaana duruufahoodu iska badan yihiin.

Hadda waxaad mooda in xannuunkii soo kordhayo, markii hore dadka waa weyn ee waday gaadiidka jaadka, xamuulka ee Itoobiya ka keenayay, marka xannuunku markii hore xaggaasi ayuu innagaga iman jiray, tiii waxaad mooda in hadda ay yar hakatay oo dadkii waa weyna waxna dhinteen waxna gaboobeen, balse hadda dhallinyarada ayaad mooda inuu ku soo kordhay, sababtuna waxaa weeyi xad ayaa innaga innagu furan kaas oo ah xadka Somaliland iyo Itoobiya u dhaxeeya oo uu ka soo gudbayo, marka hadda waxaad mooda in uu inyar sii kordhay.”