Maayarka iyo Ku-xigeenka Caynaba oo ku Biiray Xisbiga KULMIYE

0
65

Caynaba (Dawan)- Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE, mudane Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo wefti uu hoggaaminayo oo safar shaqo ku tegay gobolka Saraar, ayaa munaasibad soo dhaweyn ah u qabtay Maayarka degmada Caynaba, mudane Maxamed Haybe Maxamuud iyo ku xigeenkiisa, mudane Cabdixaafid Ibraahim Abokor iyo taageerayaashooda oo si rasmi ah ugu soo biiray xisiba KULMIYE, kana soo wareegay xisbiyada WADDANI iyo UCID.

Munaasibadda lagu soo dhaweynayey labada masuul ee ugu sarreeya golaha degaanka Degmada Caynaba iyo taageerayaashooda waxa ku wehelinayey, oo isagana lagu soo dhaweeyey Mudane Xildhibaan Saleebaan Faarax Dirir oo ka tirsan golaha deegaanka Caynaba, kaas isaga iyo taageerayaashiisuba kusoo biireen xisbiga KULMIYE, kana soo digo rogtay xisbiga UCID.

Maayarka degmada Caynaba, mudane Maxamed Haybe Maxamuud oo munaasibadaasi soo dhawaynta ah hadal ka jeediyay ayaa shaaciyay in uu si rasmi ah ugu biiray Xisbiga KULMIYE, waxaanu mahad-celin iyo bogaadin u jeediyay taageerayaashiisa iyo dadweynaha degmada Caynaba iyo guud ahaan ba bulshada gobolka Saraar.

Maayarka degmada Caynaba, mudane Maxamed Haybe Maxamuud waxa kale oo si weyn ugu mahad naqay weftiga KULMIYE ee safarka shaqo ku tagay magaalada Caynaba iyo guud ahaan hoggaanka sare ee Xisbiga KULMIYE.

Maayarka degmada Caynaba, mudane Maxamed Haybe Maxamuud waxa uu sheegay in Bulshada ku dhaqan gobolka Saraar ay aad uga mahad sheegtaan xukuumadihii Kulmiye ee kala dambeeyay, isaga oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Magaalada Caynaba iyo bulshada ku nooli aad iyo aad bay uga mahad sheegtaan labadii xukuumadood eek ala dambeeyay ee KULMIYE waxyaabihii horumarka ahaa ee ay ka qabteen degmada Caynaba iyo guud ahaan gobolka Saraar ba. Sidoo kale bulshada gobolkan ku dhaqani xaq bay u leeyihiin in ay ka hadlaan wixii gaabis ah ee ku yimid ballanqaadyadii xisbiga, xaq bay u bulshadu u leeahay in ay dareenkooda muujiyaan, sidoo kale xaq bay u leeyihiin in ay xukuumadda iyo xisbiga ba xasuusiyaan.”

Maayarka degmada Caynaba, mudane Maxamed Haybe Maxamuud waxa uu sheegay in ay markhaati ka yihiin xisbiga KULMIYE iyo xukuumaddiisuba ay degmada Caynaba ka hirgeliyeen waxqabad iyo horumar la taaban karo, waxanu yidhi “Anagu waxaanu ka markhaati nahay waxqabadkii ay qabteen labadii xukuumadood ee Xisbiga KULMIUYE, waxqabadkaasi oo dhinac kasta oo nolosha ah taabanayay, hadday tahay arrimaha caafimaadka, Waxbarashada, arrimaha bulshada, adeegyada asaasiga ah, dawladha hoose iyo Mashruuca JPLJ-ga iyo waxqabadyada kale ee haddda ka socda degmada Caynaba iyo guud ahaan gobolka Saraar.”