Kulmiye Waa u Diyaar in uu Aqbalo Natiijada Doorashada Soo Socota

0
76

Hargeysa (Dawan)- Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Xisbiga Kulmiye Cabdicasiis Maxamed Samaale ayaa sheegay in sababta Xisbiyadda Mucaaradku ay u diidan yihiin in hubinta isha lagu galo doorashada ay tahay in muran ka yimaado doorashada.

Cabdicasiis Maxamed Samaale ayaa waxa uu tilmaamay in loo baahanyahay in la aqbalo natiijada Doorashada, isla markaana xisbiga KULMIYE uu aqbalayo natiijada ka soo baxda doorashada madaxtooyada Somaliland ee la filayo in ay dhawaan dalka ka qabsoonto.

Cabdicasiis Samaale oo arimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Xisbiyadda Mucaaradku waxa ay durayaan in isha lagu galo doorashada soo socota oo macnaheedu yahay muran ha ka yimaado doorashada. waxa aanu leenahay Xisbiga Kulmiye ahaan waa in isha la sawiro, sida sharcigu sheegayo si ay doorashada nadiif u noqoto, doorashadii hore ayaynu ogayn ee la yidhi dad dhintay ayaa codeeyay. waxaana ka masuula qabashada doorashada Koomishanka Dooorashooyinka.”

Guddoomiye ku xigeenka koobaad ee xisbiga KULMIYE waxa uu sheegay in uu aqbalayo natiijada ka soo baxda doorshada soo socota, waxaanu yidhi “Marka Xisbiga Kulmiye yidhaahdo waanu aqbalaynaa natiijada doorashada, miyaad ka haysaan Xisbiga Waddani waanu aqbalaynaa natiijada doorashada, marka doorashadii 80-kun ee cod lagu kala badiyay ee wixii ka dhacay aynu ogayn ee 80-kun ee cod lagaga badiyay ay aqbali waayeen, 40-kun cod hadii lagaga badiyo ma aqbalayaan, Soomaalida waxay tidhaahdaa ama afeef hore la haw ama adkaysi dambe la how. qofka waxa soo socda aan garan waxa joogana ma garto”.