Dhallinyarada Xamar Ku Xidhani Waa Madluun u Xidhan Isir-nimadooda” Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi

0
71

“Dilkii Aqoon-yahanka reer Somaliland ee u shaqaynaayey hay’adda duulista Xamar waa Marxuum loo dilay haybtiisa”

 Hargeysa (Dawan) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa ka hadlay dhallinyaro u dhashay Somaliland oo ka shaqeynaayey ha’yadda duulimadyada ee Soomaaliya oo ku xidhan magaalada Muqdisho ee Caasimadda ciidamada shisheeyey ilaaliyaan .

Madaxweyne Muuse ayaa sheegay in dhallinyaradaasi ay u xidhan yihiin isir-nimadooda, maadama oo ay hayb ahaan ka soo jeedan Somaliland, waxaanu ka digay in la dhibaateeyo barbaarta aan waxba galabsan, kuwaasi oo loo ciqabaayo isir-nimadooda.

Madaxweynaha oo arrintaasi ka hadlaayana waxa uu yidhi, “Waxaan ka digayaa in dagaalka dhinaca Hawada Sare ee u dhaxeeya Somaliland iyo Soomaaliya lagu wax-yeelleeyo shacabka iyo dhallinyarada aan waxba galabsan.

Dilkii Aqoon-yahanka ahaa ee reer Somaliland ee u shaqaynaayey hay’adda duulista Xamar waa Marxuum loo dilay haybtiisa, Kuwa la midka ah ee lagu hayo jeelasha Xamar-na waa madluumiin u xidhan isir-nimadooda”