Xukuumadda oo Asaastay Shirkadda Diyaaradaha ee Somaliland Airline

0
98

Hargeysa (Dawan)- Xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa dhidabadda u dhigay yagleelida Shirkadda diyaaradaha Somaliland (Somaliland Airline) oo markii ugu horaysay uu dalku yeelanaayo .

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo khudbad sannadeedkiisa ka horjeediyey barlamaanka ayaa sheegay in ay soo iibiyeen afar diyaradood oo loogu talo galay in dhaliinayarada lagu baro qaabka duulimaadyada iyo cilad saarista diyaaraddaha, kuwaasi oo ay tiradoodu dhantahay afar diyaaradood, haddana ku sugan madaarka caalamiga ah ee Cigaal .

“Waxa Hargeysa yaalla afar diyaaradood oo ah kuwa tababarka duuliyayaasha. diyaaradahaas waxa leh Somaliland. Waxa kale oo Hargeysa jooga duuliyayaashii iyo Farsamo-yaqaanadii Ardayda ku tababari lahaa. Tani waa talaabadii koowaad ee hir-gelinta qorshaha Somaliland Airline” ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi.

Dhinaca kale Madaxweynaha Madaxweyne Muuse ayaa si rasmiya u shaaciyey in Somaliland ay la wareegtay hawadeeda, waxaanu xusay in maamulka Xamar ay dalka ku soo qaadeen dagaal ay ka muuqato cadownimo gaamurtay waxana uu yidhi “Colaadda gaamurtay ee Soomaaliya waxay ku tusaysaa dagaalka Hawada iyo Duulimaadyada ee ay ku soo qaadeen Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxaad ogaydeen in shirarkii aynu ku galnay Istanbul 1, Istanbul 2 iyo Djibuutiba ee ay Somaliland iyo Soomaaliya ku heshiiyeen in Maamulka Hawada Sare ee dhammaanba Jasiirad Lamoodka Soomaalida (Somali Peninsula), gaar ahaan Somaliland iyo Soomaaliya lagala soo wareego Qaramada Midoobay, si wada-jir ahna loo maamulo, dakhliga ka soo baxana la qaybsado. Balse Ballankaa iyo axdigaa la wada galay waa ay buriyeen, waanay ka baxeen, waxaanay u qaateen in Hawada Sare, oo 75% Duulimaadyada Hawada Sare ay isticmaalaan Hawada Jamhuuriyadda Somaliland, ay iyagu kaligood iska leeyihiin maamulkeeda iyo dhaqaalaha ka soo baxa intaba.

Kaaga darane, waxa ay gaadhay heerka cadaawaddoodu in ay isku dayaan in ay celiyaan diyaaradaha rakaabka ah iyo diyaaradaha gaar ah ee qaadaya dadka xanuunsanaya, sidii dhacday 17-kii January 2024. Taasi waxa ay keentay in aan 12-kii February 2024 amar ku bixiyo in Hay’adda Duulista iyo Madaaradda Jamhuuriyadda Somaliland ay si toos ah ula wareegto maamulka Hawada Sare.

Somaliland waxa ay la wareegtay 100% Maamulka Hawada Sare ee Jihada Waqooyi (Northern Sector).

Waxa ay sidoo kale la wareegtay 50% Maamulka Hawada Sare ee Jihada Koonfureed (Southner Sector). Taasi waxay muujinaysaa in Maamulka Muqdisho uu maamulo oo kaliya 250 Nautical Mile oo u dhiganta Kaliya 463 KM oo Hawada Sare ee dhulkii Jamhuuriyaddii duntay ee Somali Republic.

Waxa ay sidoo kale Somaliland la wareegtay dhammaan Xidhiidhka Is-gaadhsiinta Hawada Sare ee Rasmiga ah (All Primary Voice Communication) ee diyaaradaha iyo duulimaadyada isticmaala Hawada Sare ee Somaliland iyo Soomaaliya.

Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay u caddaynaysaa Bulshada Caalamka iyo Shirkadaha Diyaaradaha isticmaala Hawada Sare ee Somaliland in Maamulka Hawada Sare ee dhammaan dhulka Jamhuuriyadda Somaliland ay ku jirto gacan ammaan ah, masuul ah oo xil-kas ah, adeeg kasta oo ay u baahdaana loo qaban doono si xil-kasnimo leh.

Sidoo kale, waxaanu u sheegaynaa Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Duulimaadyada Hawada ee loo soo gaabiyo (ICAO) in cidda kaliya ee ay wada-hadal kala gali karto Maamulka Hawada Sare ee Somaliland ay tahay Jamhuuriyadda Somaliland, oo iyadu maantaba maamusha inta badan ee Hawada Sare ee Jasiirad La-moodka Soomaalida (Somali Peninsula), sida ay ICAO u taqaano”