Gaadhi Gurmadka Degdega ah oo lagu Wareejiyay Degmada Dacarta

0
67

Hargeysa (Dawan) Marwo Xaliimo Daahir Dhakhtar, guddoomiyaha ururka haween weynaha beesha Axmed Sheekh Isxaaq iyo Farxiya Maxamuud Cismaan (Farxiya Biiba), oo ka mid ah ururka haweenka ee Beesha Axmed Sheekh Isxaaq, ayaa gaadhi kuwa gurmadka deg dega ah ku wareejiyay Guddoomiyaha degmada Dacarta Mudane Mustafe Siyaad Xaaji Cismaan.

Haweenka ururka beesha Axme Sheekh Isaxaaq waxa ay sheegeen in gaadhigan muddo dib u habayn iyo dayactir lagu sameynayay, isla markaana ay ku baxday qadar lacageed oo dhan 4 kun oo dollar.

Farxiya Maxamuud Cismaan (Farxiya Biiba), ayaa ururka haween weynaha beesha Axmed Sheekh Isaxaaq, uga mahadcelisay kaalinta weyn ee ay ka qaateen dayactirka gaadhigan gurmadka deg dega ah oo ay ugu tallo galeen in uu u addeego bulshada degmadda Dacarta.

Marwo Xaliimo Daahir Dhakhtar, guddoomiyaha ururka haween weynaha beesha Axmed Sheekh Isxaaq, ayaa uga mahadcelisay cidkasta oo gacan ka gaysatay tacabkii la geliyay dacartii iyo dib u habayntii lagu sameeyay gaadhigan gurmadka deg dega ah, waxaaney intaas ku dartay in ujeedada ururkooda loo aasaasay ay tahay ka jawaabista baahiyaha mid gaar iyo mid guudba.

Guddoomiyaha degmada Dacarta Mudane Mustafe Siyaad Xaaji Cismaan, ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in ay maanta haween weynaha beesha ururka Axmed Sheekh Isaxaaq, ay ku wareejiyaan gaadhigii ka shaqaynayay degmada Dacarta oo dib u habayn iyo dayactir lagu sameeyay kaas oo uu xusay in uu muddo badan fadhiyay, isla markaana uu hadda wax weyn ka tari doono adeeg-bixintii caafimaadka degmada.

Geesta kale guddoomiye ku xigeenka Wargeysyadda Dawan, Saleebaan Cabdi Cali Kalshaale, ayaa haween weynaha ururka beesha Axmed Sheekh Isaxaaq, uga mahadceliyay kaalinta muuqata ee ay ka qaateen dayactirka iyo dib u habeynta gaadhiga gurmadka deg dega ah ee degmada Dacarta, waxaanu guddoomiyaha degmadaasi ku adkeeyay inay ilaaliyaan isla markaana xil weyn iska saaraan sidii gaadhigaasi aanu mar danbe u xumaan lahayn.

Gaba-gabadii waxa siwada jira guddoomiyaha degmada Dacarta ugu wareejiyay gaadhigii gurmadka deg dega ahaa Marwo Xaliimo Daahir Dhakhtar, guddoomiyaha ururka haween weynaha beesha Axmed Sheekh Isxaaq, Farxiya Maxamuud Cismaan (Farxiya Biiba) iyo guddoomiye ku xigeenka Wargeysyada Dawan Saleebaan Cabdi Cali Kalshaale.