Kuuriyada Koonfureed iyo Afrika oo kala saxeexday heshiisyo dhoofka Macdanta ku saabsan

0
83

Kuuriyada Koonfureed oo ah dalka afaraad ee ugu dhaqaalaha badan qaarada Aasiya ayaa doonaysa inay ka faa’iidaysto macdanta iyo suuqa weyn ee wax dhoofinta Afrika. Shirkii ugu horeeyey oo arrintaa ku saabsan ayaa ka dhacay caasimada Kuuriyada Koonfureed ee Seoul todobaadkii hore waxaana ka qay galay hoggaamiyeyaal ka socda 48 dal oo Afrikaan ah.

Shirkan oo ahaa kii ugu horreeyay ee Koonfurta Kuuriya oo ay la yeelatay Afrika waxa uu daaranaa sidii Africa iyo Kuuriyada Koonfureed ay isaga kaashan lahaayeen dhinacyada sida macdanta, tamarta iyo wax soo saarka, waxaana halkaa lagu kala saxeexday ku dhawaad 50 heshiis intii uu socday shirku.

Sida ay sheegtay wasaaradda warshadaha ee Kuuriyada Koonfureed, Shirkadda Hyosung Corp oo ah shirkad laga leeyahay Kuuriyada Koonfureed ayaa saxeexday qandaraas ay ku siinayso qalab koronto oo ku kacaya $30 milyan dalka Mozambique.

Wasaaradda warshadaha ee kooriyada Koonfureed ayaa sidoo kale heshiisyo iskaashi ah oo ku saabsan macdanta muhiimka ah la saxeexatay Madagascar iyo Tanzania si loo sugo baahiyaadka warshadaha sida dabka iyo wixii la mid ah.

Sida lagu sheegay bayaanka ay soo saartay Wasaaradda Warshadaha ee Kuuriyada Koonfureed, 47-ka heshiis ee lala galay 23 dal oo Afrikaan ah ayaa la saxeexay intii uu socday shir-madaxeedka.

“In kasta oo ay awooddeeda weyn tahay, haddana Afrika waxay weli ka tahay 1-2% ganacsiga iyo maalgashiga Kuuriyada Koonfureed,” ayuu yidhi madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed Yoon Suk Yeol oo ka hadlayay shirkan ay isugu yimaadeen 200 oo hoggaamiyeyaasha siyaasadda iyo warshadaha ah oo ka kala socda waddamada Afrika iyo Kuuriyada Koonfureed.

Waxa uu intaasi ku daray Madaxweyne Yoon “Rajadeydu waxay tahay in iskaashi kheyraadka oo faa’idada u leh labada dhinac la ballaadhiyo,”

Yoon waxa uu ballan qaaday in Kuuriyada Koonfureed ay kordhin doonto deeqaha horumarineed ee Afrika oo ay gaadhsiin doonto $10 bilyan lixda sano ee soo socota, waxaanu sheegay in ay ku yaboohi doonto $14 bilyan oo doolar oo ah maalgelinta dhoofinta si kor loogu qaado ganacsiga iyo maalgashiga shirkadaha Kuuriyada Koonfureed ee Afrika..