Hogaaminta Ayaa Guusha Keenta!

0
81

Boqor xukumi jiray dalka Japan ayaa ciidankiisu mar kasta ay dagaalada ku guulaysan jireen. Boqorku wuxu caan wuxu ku ahaa geesinimo, maskax badnaanย  iyo hogaamin wanaagsan, taasi oo keentay in ciidanku kalsooni ku qabaan.

Boqorka marka duulaan ay qaadayaan wuxu soo qaadi jiray Shilin bir ah , markaasi ayuu ciidanka isugu yeedhi jiray oo odhan jiray haday dhinaca sawirka u dhacdo waan guulaysanaynaa, hadddi kale dagaalka ma gelayno. Marka ay dhinaca sawirka u dhacdo ayay niyada ku wada geliyaan inay guulaysanayaan oo ay u dagaalamaan si geesinimo leh.

Markii boqorku gaboobay oo uu ku jiray maalmihii noloshiisa ugu danbeeyay ayaa wiilkiisa dhaxalka leh usoo galay oo ka codsaday inuu ku wareejiyo birtii uu dagaalka ka saadaalin jiray.ย  Markii u dhiibay ayuu wiilku eegay birta mise labada dhinacba waa isku mid oo waa sawiro. Wiilka oo yaaban ayaa yidhi โ€œ Ma arinkan khiyaamada ah ayaad muddo dheer waday oo aad ku dagaal gelinaysay?โ€œ. Hadda maxaan ku idhaa dadka soo noqon mayso in aabahay been sheegayay?

Boqorka ayaa ku yidhi โ€œ wiilkaygow dagaalka markaad gelayso waa laba dhinac, waa inaad guulaysato kan hore, kan danbe waa inaad guulaysto, marna dagaal uma gelaysid inaad jabot oo lagaa guulaysto.ย  Markaa xikamaddu waa sidaasi labada dhinacba waa isku mid, niyaddaย  dadka haka dilin ee ku dhiiri geli inay hadafkooda guusha ah gaadhayaan markay rumaysan yihiin inay guulaysanyaan. Guushana waxa lagu gaadha adigoo aaminsan inaad guulaysanayso.