Xikmada Iyo Sabirka!

0
92

Nebi Yacquub markii uu la dardaarmay inamadiisa wuxu ku yidhi “
“ Wiilashaydow baxa oo soo raadiya Yusuf   iyo walaalkii hana ka quusanina naxariista Allah “

Waxay ina tusaysaa in si kasta oo dhibi inoo taabto aynaan ka quusan Naxariista Allha (sw), kuna kalsoonaano oo khayr iyo wanaag ka rajayno.  Nebi Yuusuf (cs) jeelka waxa kula xidhnaa laba nin mid markii la sii daayay ayaa la dilay, mid kalena markii la sii daayay ayuu boqorka khaadim u noqday. Yuusuf muddo ayuu ku sii jiray oo ku sabray dhibaatadii. Laakiin maalintii la soo daayay wuxu noqday Boqor. Guushu waxay ku lamaan tahay Sabirka.

Abu C/laahi Shamsu Diin Muxamed “Ibnu Qayim Al-Jawsi” Waxa uu yidhi:

“ Waxii ku dhaafay marna kaga gudbi maysid murugo iyo walbahaar, waxaa lagaga gudbaa raali ahaanshaha Allah (sw), sabir iyo Allaha (sw) oo loo mahad naqo. Qadarka Allah oo la rumeeyo, iyo adoonka oo qira inuu Allah (sw) u qadaray iyo inuu Allah wixii uu doono fuliyo”