Maxaa Keena Faham La’aanta Qofka!

0
68

Daraasad ay sameeyeen khubaro ka socotay  jaamacadda lagu magcaabo  Hokkaido University ee dalka  Japan ayaa lagu sheegay in shan arrimood ay saameeyaan dhaawaca xooggan ee maskaxda, taas oo keeni karta inuu qofku noqdo mid waalan ama ilawshiiyaha iyo faham la’aantu ku badato.

Waxaanay kooxdan khubarada ahi soo saareen liis ay ku soo texeen arrimhaasi ay sheegeen inay dhaawaca soo gaadhsiiyaan maskaxda dadka,waxaana kaalinta kowaad galay Fuud Baxa ama biyo la’aanta jidhka oo ay cadeeyeen inay maskaxda wax badan u dhinto madaama ay biyo u badan tahay maskaxdu,

Waxaana kaalinta labaad galay Cabitaanka Sigaarka oo ay sheegeen inuu madoobeeyo  qaybo badan oo jidhka ka mid ah xidhiidh toosana maskaxda la leh.

Kaalinta saddexaad ayay siiyeen hurdo la’aanta oo ay sheegeen in suntii maskaxda laga maydhi lahaa waqtiga la hurdo inay noqonayso mid ku kaydsama taasina ay keento dhaawaca ku yimaada maskaxda, waxaana ay talo ku bixiyeen inay dadka seexdaan hurdo ku filan.

Kaalmaha kalena waxa iyaguna galay daroogooyinka kale ee la isticmaalo iyo khamriga oo noqday kuwo maskaxda dhibaato soo gaadhsiiya, isla markaana sameeya oo sabab inay dhintaan neerfaha maskaxda taga taasi oo maskaxda dhaawac weyn ku keenta