Falsafadda Macalinka Wanaagsan Iyo Ardayga!

0
100

Markii uu ardaydiisa midkood xanuunsaday ayuu Macalinku ku soo booqday gurigooda. Waalidka ayaa u sheegay inuu bogsaday oo maalmaha soo socda ku soo noqon doono dugsiga laakiin waxa laga xiiray timihiisa dhamaantood.

 

Macalinku markii uu arkay ardayga oo timaha loo xiiray ayuu goโ€™aansaday si aanu u dareemin ardaygu niyad jab iyo inay ardaydu dacaayad ugu samayso, in isaga iyo ardaydu dhamaantood ay iyaguna iska xiiraan timaha ka hor imaatinka wiilka, taasi oo ardayduna u qaadanayso inuu la mid yahay. Laakiin maalintiii hore isaga ayaa soo xiirtay isagoon u sheegin ardayda, maalintii ku xigtayna ardaydii ayuu u sheegay inay soo wada xiirtaan timaha.

Ardayga bogsaday markii usoo noqday lama dareemin in xanuuna looga xiiray timaha, waxase loo qaatay astaanta dugsiga ku soo kordhay inuu isaguna buuxiyay oo uu gutay waajibkeedii.