Lix Murashax oo loo Ansixiyey in ay u Tartamaan Jagada Madaxweynihii Geeryooday ee Waddanka Iran

0
148

Golaha Ilaalada ee Iran ayaa ansixiyay lix musharax oo u tartami doona doorashada madaxtinimada Iran ee bishan. Lixdan murashax waa islaamiyiin ku dhow fikirka hogaamiyaha sare ee Ayatollah Ali Khamenei.

Hay’adda dastuuriga ah ee Iran ayaa 80-kii qof oo isu diwaan galisay inay istaagaan doorashada 28-ka June ku qiimeeyay aqoonsigooda diineed iyo kacaannimo.

Waxa ay u muuqataa in ay ansixisay musharrixiinta iyada oo ujeedadu tahay in la sameeyo xisbiyo mayal adag si ay u sii xajistaan ​​madaxtinimada dalka ka dib geeridii madaxweyne Ebrahim Raisi ee shil diyaaradeed bishii hore .

Mid ka mid ah musharaxiinta ugu cadcad waa Saeed Jalili, oo ahaa xoghayihii hore ee Golaha Sare ee Amniga Qaranka iyo gorgortankii Nukliyeerka oo loo maleynayo inuu yahay midka ugu cadcad isla markaana ku dhow Ayatullah Khamenei .

Wakhtigii uu madax ka ahaa kooxda wada xaajoodka Nukliyeerka ee Iran, Mr Jalili waxa uu si isdaba joog ah si adag u waday wada hadaladii shanta quwadood ee aduunka iyo Iran wakhtigaas oo ay Iran horumarisay barnaamijkeeda Nukliyeerka.

Waxa ay dad badani u arkaan in uu yahay nin aan khibrad fulineed lahayn loona arko inuu daallan yahay xubaha mayalka adagna uu ka mid yahay.

Guddoomiyaha baarlamaanka hadda jooga, Mohammad Baqer Qalibaf, waa musharax kale oo fursad fiican haysta. Waa nin u dhuun daloola nidaamka iyo guud ahaan hore ee Ilaalada Kacaanka oo sidoo kale soo noqday taliyaha booliiska dalkaas iyo duqa magaalada Tehran.

Mid ka mid ah labadaas qof ayaa laga yaabaa inuu go’aansado inuu ka tago tartanka daqiiqadaha ugu dambeeya si aanay u qaybsanin codadka taageerayaashooda.

Saddex musharrax oo kale waxay kala yihiin – Duqa magaalada Tehran Alireza Zakani, madaxweyne ku xigeenka Amirhossein Qazizadeh Hashemi iyo Mostafa Pourmohammadi – ayaa sidoo kale ah murashaxiin adag oo leh habab kala duwan.

Mr Pourmohammadi waa wasiirkii hore ee cadaalada iyo arrimaha gudaha oo aad ugu dhowaa madaxweynihii dhintay Ebrahim Raisi, waxa uu xubin ka ahaa koox loogu yeedho ” Guddiga Dhimashada ” ee ansixiyay toogashada kumannaan maxaabiis siyaasadeed ah dabayaaqadii 1980-meeyadii.

Lixdan xubnood waxa ugu dhexdhexaadsan Massoud Pezeshkian, oo ah xubin baarlamaan. Fursadii uu ku guuleysto waxay ku xidhan tahay haddii u soo bixida doorashada ay aad u badato .

Mr Pezeshkian ayaa laga yaabaa inuu ku guuleysto codadka dad badan oo aan jeclayn kuwa mayalka adag. Waxa uu asal ahaan ka soo jeedaa gobolka Azeri, waxaana loo malaynayaa in uu haysto codadka qaar ka mid ah dadka ku nool waqooyiga bari ee Iran, halkaas oo dadka ugu badan ay yihiin dadka ku hadla afka Turkiga.

In lagu soo daro murashaxiinta waxaa loo arkaa xeelad lagu riixayo in dad badani u soo baxaan doorashada laakiin way adag tahay inuu ka wada guukaysto tartamayaasha, waxay u dhowdahay in lagu kala baxo wareegyo kale..

Laba magac oo waaweyn oo loo diiday fursad ay ku tartamaan ayaa kala ah madaxweynihii hore ee mayalka adag, Mahmoud Ahmadinejad , iyo Ali Larijani, oo saddex jeer soo noqday afhayeenka baarlamaanka oo asal ahaan ka soo jeeda asal diimeed oo muxaafid ah.

Diidmadoodu waxay muujinaysaa sida ay cida la kala dooranayaa u xadidan tahay codbixiyayaashuna ay ku khasban yihiin xubanaha loo soo dhigay. Hogaanka sare ee Iran ayaa xubnahan ka dhex xulan doona dhawrka ay iyagu u arkaan  in ay la shaqayn karaan.

Doorashadan musharixiinta ah, uma badna in doorashadooda ay xamaasad badani ka dhex dhalin doonto reer Iran.

Waxay tani u arki doonaan dhacdo kale oo hoggaamiyaha ugu sarreeya uu injineerinka doorashada ku sameeyay si uu u soo saaro natiijada uu rabo – madaxweyne kale oo adag oo si buuxda u maamula awoodaha.