Qisada Filimka Iyo Jilaaga Ee Qarsoon!

0
68

Gareth Jones oo ahaa nin jila filimada caana ah, oo dalka Ingriiska u dhashay ayaa sanadkii 1958 ku metelayay filim uu dhigayay inuu ku dhacay cudurka wadno xanuunka. Laakiin waxa yaab noqotay in isla wakhtigaasi uu si rasmi ah ugu dhacay wadno xanuun ku soo booday iyadoo kamaradii laga duubayo.

Nasiib daro may jirin qof isku deyay inuu dhakhtarka ula cararo oo gargaar loo fiidiyo maxaa yeelay waxa loo haystay inuu weli filImkii metelayo. Gareth ayaa halkaasi ku naf baxay taasina waxay mucjiso ku noqotay filim duubayaashii iyo dhamaan intii filimka ku jirtay sida qisadii  filimka ahayd ay mar qudha isugu bedeshay qiso dhab ah.Waxa kale oo iyana Geeri naxdin abuurtay noqotay markii Frank Hies uu noqday ninkii ugu horeeyay ee ku guulaysta tartanka faradaha isagoo mayd ah.  Franka ayaa tartanada ka qayb geliyay sanadkii 1923. Waxaana la sheegay in isagoo faraskiisa saaran oo tartanka ku jira inuu wadanuhu istaagay laakiin farasku ma joojin orodkii ilaa uu noqday kii ugu horeeyay oo ka gudba diilinta kuna guulaysta kaalinta koowaad. Waxase naxdin ku noqotay dadkii iyo garsoorayaashii markii la arkay Frank oo mayd ah oo faraskiisa saaran.   Waxaana uu noqday maydkii ku guulaystay tartanka orodka fardaha. Qofna ma oga goorta, wakhtiga iyo Meesha u uku dhimanayo, laakiin waa in uu diyaar u ahaado madaama ay tahay mid la hubo. Waana in Allah ka cabsiga la joogteeyo oo aan laka goyn.