Dallada Dhallinyarada SONYO oo Qabatay kulan la xidhiidha dib u Eegista Siyaasada Shaqo Carbinta

0
53

Hargeysa (Dawan) Dallada dhallinyarada heer Qaran ee Somaliland ee SONYO oo kaashanaysa wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada Somaliland, iyo midowga Yurub ayaa qabatay kulan la xidhiidha dib u eegis siyaasada shaqo Carbinta.

Kulankan waxa ka soo qayb galay daneeyayaasha shaqo abuurka sida hay’addaha waddaniga iyo kuwa caalamiga ah, waxaana intii kulankani socday laga jeediyay khudbado kala duwan oo la xidhiidha dib u eegista siyaasada shaqo carbinta.

Agaasimaha fulinta ururka Dallada dhalinyara Somaliland ee SONYO, Axmed Maxamuud Cabdi, waxaanu sheegay in kulankan ujeedadiisu tahay dib u eegista siyaasada shaqo carbinta Qaranka, sida caqabadaha, horumarinka in talo bixin iyo aragtidiina aad ku darsataan, waxaanu xusay in ay si wacan ugu hirgashay oo tallo bixin fara badan lagu daray, waxa uu intaas raaciyay in uu rajo fiican ka qabano in siyaasadani noqoto mid anfacda dhallinyarada reer Somaliland, isla markaana qaranka u horseeda in uu horumar fara badan sameeyo, waxa uu hoosta ka xariiqay in faa’idooyin fara badani ku jiraan siyaasada, waxaanu tilmaamay in kulankaasi sidii loogu tallo galay u qabsoomay.

Dhankooda waxa iyaguna goobtaas ka hadlay ka soo qaybgalayaashi kulan, oo siweyn ugu mahadnaqay ururka dallada dhallinyarada Somaliland ee SONYO, waxa ay sheegeen in kulankan lagu gorfeeyey sidii qorshe rasmiya loogu sameynlahaa siysaada shaqo carbinta dhallinyarada.