Denbiilayaashii Dalka Samaystay! Qaaraddii la Boobay!

0
123

Badmareenkii iyo sahamiyaha reer Holland Willem Janszoon waxaa lagu sifeeyay inuu yahay madmareenkii u horeeyay ee Yurub ka soo jeeda oo booqda Australia Intii lagu jiray socdaalkiisii ​​caanka ahaa ee u dhexeeyay 1605 iyo 1606.

Intii ka hadhay qarnigii 17-aad, daraasiin ee sahamiyayaal Nederlaan ah ayaa safarro geesinimo leh ku tagay xeebaha galbeedka iyo koonfurta Australia, waxaana loo yaqaana New Netherlands.

Intii u dhaxaysay sannadihii 1768 iyo 1771, sahamiye Ingiriis ah oo magaciisu ahaa  James Cook waxa uu hoggaaminayey socdaal cilmiyaysan iyo sahamin ah kaas oo ku dhammaaday ku dhawaaqistii lahaanshaha Ingiriiska ee xeebaha bari ee Australia bishii Agoosto 22, 1770, iyo soo bixitaanka gobolka loo bixiyay New South Wales.

In kasta oo ay wakhti hore yimaadeen Australia, sahimiyayaasha Nederlaand u dhashay  haddana may dooneynin in ay gumeysi ka sameystaan ​​dhulalkaas, maadaama dowladda Nederlaan ay ka hadhay fikradan bilowgii.

 

Taa baddalkeeda, Ingiriisku wuxuu doonayay inuu ballaadhiyo saameyntooda si uu ugu fidiyo Australia iyo khayraadkeeda.

Ingriisku waxa uu isku dayay in goobo kooban ka bilaabo gumeysigiisa kuwaas oo ah deegaanada cimiladoodu liidato.

Hawsha abuuritaanka gumaysi ee carrada Australia waxay culays weyn saartay maamulka Ingiriiska, maadaama gobolku aanu lahayn kaabayaashii nolosha ee ugu yaraa, iyo iyadoo dadka asalka ah aee degani ay yihiin kuwo badow ah oo ku noolaan ugaadhsiga oo xataa aan beeraha waxba ka aqoon.

Dhulkan waxa si weyn ugu noolaa oo buux dhaafiyay  xayawaanka halista ah iyo cayayaanka sunta leh sida masaska, caarada, iyo dabaqalooca.

Mas’uuliyiinta Ingiriiska waxay u dhaqaaqeen sidii ay u fulin lahaayeen barnaamij lagu masataafurinayo dambiilayaasha, iyagoo laga geyanyo dhulka cusub ee la helay ee Austerlia.

 

Sannadka 1787-kii, maraakiibtii ugu horreysay oo ay ku raran yihiin dembiilayaal ayaa loo diray Australia iyagoo ka tegay dalka Ingiriiska.

Ku dhawaad ​​11 markab ay ka tagey dekadaha Ingiriiska si ay u gaadhaan dhulka Australia bishii Janaayo 1788, iyagoo siday boqolaal dembiilayaal ah oo door muhiim ah ka qaatay aasaaska iyo dib u dhiska magaalada Sydney ee maanta ah caasimadda Austerliya.

 

Britain waxa ay go’aansatay in ay xoojiso habka loogu tarxiilo dambiilayaasha Australia si loogu daro kuwa dambiyada yar yar ka dib muran yar, khilaaf, ama xaday lacag yar ama xabbad roodhi ah, waxaa suurtogal ah in muwaadin Ingiriis ah uu naftiisa helo. Australia. Haddii ay dhacdo in dambiilayaal ay isku dayaan in ay waxyeeleeyaan markabka ay la socdeen, Britain kama aysan laba labeynin in ay xoojiso ciqaabta iyadoo baddashay jihada markabka ee ku wajahan meelaha kale ee fog fog sida Jasiiradda Norfolk. Tallaabooyinkaas oo dhan iyadoo lala kaashanayo, mas’uuliyiinta Britain waxay diideen inay u tarxiilaan kuwa galay dambiyada waaweyn sida dilka iyo kufsiga dhulalka cusub, iyagoo doorbiday inay sii wadaan ku dabaqida xukunka dilka ah.

 

Britain waxa ay go’aansatay in ay xoojiso habka loogu tarxiilo dambiilayaasha Australia oo xataa lagu daro kuwa dambiyada yar yar iyo muranada fudud lagu xidho. Waxa kale oo lagu daray kuwo khilaafku dhex maro iyo tuuga xada lacag yar ama xabbad roodhi ah si tirada dadka laustaafuirnayo u badata, kuwaas oo deegaamaynaya dhulka cusub ee la helay.

 

Mas’uuliyiinta Britain waxay diideen inay u tarxiilaan dhulka cusub kuwa galay dambiyada culus sida  dilka iyo kufsiga, iyagoo doorbiday inay kuwaasi ku sii jiraan xukunka adag ama dilka ah ee lagu riday.

Laga soo bilaabo bilawgii geedi tarxiilka dambiilayaasha dhulalka cusub 1788 ilaa dhamaadkii qiyaastan 1868, Britain waxay u tarxiishay Australia in ka badan 160,000 oo dembiilayaal ah, taasoo ka dhigtay dadka ugu horreeya ee dega ee Yurubta cadaanka ah ee gobolkan Austerlia.

Dhanka kale, ka dib markii laga helay kheyraad badan oo dabiici ah, sida birta, dhuxusha, iyo dahabka, gumeysigii Ingiriiska ee Australia wuxuu helay maqaam muuqda, waxaana bilaabmay mowjado iskood ah oo u guuraya gobolladaas sida ku cad tirokoobyo. Intii u dhaxaysay sannadihii 1850 iyo 1861, qiyaastii nus malyuun Ingiriis ah ayaa si xor ah ugu haajiray Australia.

Dadkii asalka ahaa ee deganaa Austerlia oo tiradoodu gaadhaysa boqol kun waxa ay noqdeen kuwii la hafiyay. Sidaasina waxa u Austerliay ku yeeshayoo ku qaatay khayraadkeeda dalka Ingiriiska.