Hargeysa: Shir lagaga Tashaday Imtixaanka Shahaadiga ah

0
51

Hargeysa (Dawan) Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska JSL, Mudane Axmed Aadan Buuxane, ayaa ka qayb-galay shir ay wada yeesheen Guddida Waxbarashada Qaranka, Jaamacadaha dalka iyo masuuliyiinta Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka.

Kullankan ayey ujeedadiisu daaranayd, sidii loogu sii diyaargaroobi lahaa, hawlaha imtixaanka shahaadigga ah ee sannad dugsiyeedka 2023-2024.

kulan la qaatay qaar ka mid ah jaamacadaha dalka yagoo ka shiray doorka ay jamacaduhu ku leeyihiin Imtixaanaadka 2023/2024.

Intii uu shirkaasi socday, waxa si weyn loogu lafaguray hawlaha imtixaanka iyo in si hufnaan iyo caddaalad ah loo ilaalin lahaa.

Geesta kale, intii uu shirku socday waxay masuuliyiinta jaamacadaha iyo Guddida horumarinta waxbarashadu suโ€™aalo weydiiyeen, madaxda ka socotay xafiiska imtixaanaadka oo uu ugu horeeyo guddoomiyaha xafiiska imtixaanaadka Qaranka Daa’uud Axmed Faarax iyo kuxigeenkiisa Xasan Muxumed Qalinle iyo madaxa qaybta Tignoolajiyadda (IT) ee xafiiska imtixaanaadka Sacad Cabdi Xasan, waxaanay halkaa kaga jawaabeen dhammaan ba suโ€™aalihii la weydiiyay, waxaanay ka soo qayb-galayaasha u qaybiyeen nuqulo xambaarsan shuruudaha imtixaanka iyo doorka jaamacadaha ee hawlaha imtixaanka.

Nuxurka Qodobada la iskula qaatay ayaa kala ahaa

Tirada hawl-wadeena ee imtixaanka ilaalin doona, in la sameeyo 2 cisho oo tababar ah, in la sameeyo bar tilifoon (call center) oo lagu wada xidhiidho.