Shaqaalaha Waaxyaha IT-ga iyo Ganacsiga Gaarka Loo Leeyahay ee Wasaaradda Maaliyadda oo Tababar loo Furay

0
48

Hargaysa (Dawan): Agaasimaha guud ee wasaaradda Maaliyadda Somaliland Maxamed Xuseen Cismaan (Mu’adinka), oo uu wehelinayay agaasimaha waaxda ganacsiga gaarka loo leeyahay ee wasaaaradda Maaliyadda ayaa shalay tababar u furay shaqaalaha waaxda ganacsiga gaarka ah ee wasaaradaasi.

Tababarkaasi oo socon doona muddo laba maalmood ah ayaa lagu qaadan doonaa addeegsiga Tignoolajiyadda casriga ah ee xog ururinta ee cilmi baadhista.

Waxaana tababarkaasi loo qabtay shaqaalaha wasaaradda Maaliyadda ee ka shaqeeya waaxyabaha Waaxda IT-ga iyo waaxda ganacsiga gaarka loo leeyahay, iyadoona furitaanka tababarkaasi uu agaasimaha guud dar-daaran ku siiyay shaqaalaha

Agaasimaha guud ayaa ka waramay muhiimadda ay wakhtigan casriga ah leedahay addeegsiga tignoolajiyadda casriga ah, iyo sidoo kale sidii mar walba loola jaan qaadi lahaa, maadaama oo ay maalin walba horumar iyo isbedel ku yimaado tignoolajiyadda.

Maxamed Xuseen Cismaan (Mu’adinka), oo arrimahaa ka hadlayayna waxa uu yidhi “Casrigan imika aynu joogno, tignoolajiga ayaa shaqeeya. Tignoolajiguna aad buu u korayaa, oo uu isku bedelayaa maalin walba. Maalin walba tignoolajigu tallaabo kaloo horumara ayuu sii samaynayaa, oo mid kale ayaa loo sii gudbayaa, oo kii hore ee la isticmaali jiray la bedelayaa.

Tignoolajigu shaqadda ayuu fududeeyaa. Markaa tignoolajiga na in aynu la jaan qaadno isticmaalkiisa, oo aan la socono, kolba heerka uu marayo, taasina waxay ku imanaysaa in aqoon korodhsi joogto ah loo sameeyo shaqaalaha”.

Maxamed Xuseen Mu’adinka ayaa ku araarujiyay shaqaalaha tababarkani loo qabtay in ay ka faa’iidaystaan casharadda ay ku qaadanayaan.  Waxaanu yidhi “Waxaan idinku dhiiri gelinayaa inaad tababarka ka faa’iidaysataan, waxaana daba socon doona tababarro kale oo iyaguna ka sii horumarsan. Xogtu waa waxa ugu muhiimsan, haddii aan xog la helin wax la qorshayn karaa ma jiraan, haddii la qorsheeyana, qorshe wanaagsan ma noqonayo”.

Geesta kale agaasimaha ayaa tilmaamay in xog ururintu ay ka soo biolaabanto ganacsiga gaarka loo leeyahay, isla markaana xogta saxda ah loo addeegsan karro si loo gaadho qorsheyaal sax ah.

”Xogtu na waxay ka soo bilaabmaysa ganacsigeena gaarka loo leeyahay, iyo ka dawliga ah labadaba. Marka aynu xogtaa helno, ayaynu addeegsan karnaa mashaariicdeena horumarinta, idinkuna waxa aad tihiin halkii ay ka soo bilaabmaysay. Haddii ay xogtu ay tahay xog sax ah, wixii ka soo baxa ama wixii lagu qorsheeyaana wuxuu noqonayaa wax sax ah ayuu noqonayaa, oo faa’iido dhala.Haddii ay xogtu bilawga ka khaldanta na, woxoo dhan baa qaldamaya” ayuu yidhi agaasimaha guud ee wasaaradda Maaliyadda Somaliland.