Wasaaradda Biyaha JSL iyo Hay’adaha Caalamiga ah Hargaysa ku Shiray

0
50

Hargaysa (Dawan) Wasaaradda Kheyraadka Biyaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa kulankii bilaha ahaa isugu yeedhay dhammaan Hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah ee ay ka dhaxayso wada shaqaynta tooska, si looga wada hadlo shaqooyinka ay wada qabtaan.

Wasaaradda Horumarinta Khayraadka Biyaha ayaa soo qabanqaabisay kulanka bilaha ah ee ay ka soo qaybgalaan Hay’adaha Caalamiga iyo kuwa maxaliga ah ee wada shaqaynta leeyihiin Wasaaradda Horumarinta Khayraadka Biyaha.

Ujeedad kulankan oo ahaa mid wada tashi ayaa waxaa lagu lafa guray mashaariicda Biyaha ee guud ahaan laga fuliyay dalka, kuwa dhamaaday iyo kuwa socda iyo Waliba qorsha-hawleedka mashaariicda biyaha ee Sanadka 2024 sidii loo dhamays tiri lahaa.

Sidoo kale waxa diirada Lagu saaray kulanka Sidii bulshada Ku dhaqan guud ahaa dalka ay u heli lahaayeen biyo nadiifa oo ku filan, kuwaasi oo wada gaadha dhamaan magaalooyinka iyo Tuulooyinka dalka, maadaama ay biyuhu yihiin laf-dhabarta nolosha Aadamaha.

Sidoo kale waxa kulankan lagu gorfeeyay heerka horumarineed ee qorshaha horumarinta qaranka 3aad [NDPIII] ee arrimaha Biyaha iyo Fayadhowka, si dib loogu eego mashaariicdaasi dhinaca biyaha ee ku jira qorshaha horumarinta Qaranka sadexaad.

Kulanka oo ay saldhig u tahay wasaaradda Kheyraadka Biyaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa waxa si laba geesood ah u wada kulma masuuliyiinta wasaaradda iyo hogaanka Hay’adaha caalamiga iyo kuwa maxaliga ah ee ay mashaariicda Biyaha ka wada shaqeeyaan wasaaradda, kaasi oo lagaga tashado waxa u qabsoomay iyo waxa ka dhibaman qorshayaashii biyaha ee loogu talogalay in la gaadhsiiyo bulshada Somaliland.