Hababka Beerka Looga Nadiifiyo Sunta Iyo Wasakhda

0
58

Qormadeena labaad ee Barnaamijka Caafimaadka Wargeyska Dawan todobaadkan waxa aynu ku soo qaadanaynaa, hababka Beerka looga nadiifiyo suntan iyo wasakhda ku jirta, si loo ilaaliyo caafimaadka Beerka iyo badqabkiisa.

Qormadan inta aynu ku jirno waxa aynu ku istaagi doonaa qodobo muhiim ah oo aad Beerkaaga kaga nadiifin karto suntan iyo wasakhda ku jirta, kuwaasi oo aynu u soo qaadan doono mid mid, si aynu si fiican uga bogano.

Haddaba Beerka waxa uu ka mid yahay xubnaha ugu muhiimsan nolosha noolaha oo dhan, waxa uu qabtaa shaqooyin dhammaantood lagama maarmaan ah. Shaqooyinkaas waxaa ka mid ah burburinta haemoglobin-ta, insulin-ta iyo  hormoonno kale, baabi’inta unugyada dhiigga cas ee duqoobay, sunsaarista dhiigga, kaydinta faytamiinnada iyo xadiidka iyo soo saarista dheecaanka bayl oo muhiim u ah cunno shiidista.

Tan ugu muhiimsan waa inuu jirka ka nadiifiyo dhammaan sunta. Waxa uu jirka ka sifeeyaa walxaha sunta ah ee loo yaqaanno “free radicals” kuwaas oo si wayn u dhaawaca jirka, cudurro badanna keena.

Si kastaba ha ahaatee, waxa uu beerku u nugul yahay in dhaawac uu soo gaaro sababo la xiriira deegaanka iyo kuwa dhanka cunnada ah sida cunnooyinka dufanku uu ku badan yahay iyo cunnooyinka warshadaysan.

Sidaas awgeed, waxaa muhiim ah in beerka mar kasta laga nadiifiyo sunta, sida ugu habboon ee uu qofku ku nadiifin karaana waa in uu isticmaalo cunnooyinka beerka nadiifiya.

Beerka oo sunta laga sifeeyo, waxay muhiim u tahay inuu si habsami leh u shaqeeyo. Caafimaad darrada beerku waxa ay keeni kartaa cudurro badan oo halistooda leh.

Haddaba Qormadeenan labaad waxaan ku soo gudbinaynaa toddoba cunno oo beerka ka nadiifiya sunta iyo wasakhda, waxayna kala yihiin:

Toonta

Toontu Waxay ka mid tahay waxyaabaha ugu fiican ee beerka looga sifeeyo sunta. Waxaa ku jira maadooyinka “allicin” iyo “selenium” kuwaas oo jirka ka sifeeya sunta. Isticmaal dhowr gabal oo toon ah si aad jirkaaga uga sifeyso sunta.

Badarka

Badarku waa cunno kale oo uroon sunsaarista beerka. Waxaa ku jirta maadada “gluten” oo si dabiici ah beerka uga nadiifisa sunta

Saliid saytuunta

Saliidani waxa ay caawisa hannaanka sunsaarista beerka. Waxa ay jirka siisaa dufan ka nuuga sunta.

Laba malqacadood oo saliid saytuun ah ku dar biyaha liin dhanaanta oo joogto u cab, waxa ay nadiifisaa beerka.

Khudradda caleemaha cagaaran

Khudradda cagaaran waxaa ku jirta maadada loo yaqaanno “chlorophyll” oo sunta ka sifeeysa dhiigga.

Tufaaxa

Waxaa ku jirta maado loo yaqaano “Pectin” oo dheefshiidka u roon, kuna caawisa mindhicirrada in aanay nuugin wixii jirka halis ku ah, marka waxay beerka ku caawinaysaa cunno laga soo reebay qashinkii in beerka la geeyo sidaasna shaqada ay ku yaraato.

Shaaha cagaaran

Shaaha cagaaran waxaa ku jira maadooyin jirka sunta ka saaro oo loo yaqaanno “catechins” kuwaas sifeeya dufanka ku uruura beerka. Shaaha cagaaran oo maalin kasta la cabbo waa habka ugu fiican ee sunta looga nadiifiyo beerka.

Liin dhanaanta

Liin dhanaantu waxay ka dhigtaa sunta mid ku milmi karto biyaha taas oo fududaynaysa in jirka si fudud looga saaro, waxayna kobcisaa shaqada beerka, waana sababta loogu dardaarmo in aroorta hore la cabbo cabitaanka liin dhanaanta ee fresh ka ah.

Huruuda

Huruudda waxay ka mid tahay cunnooyinka uroon beerka, waxaa ku jirta maaddo la yiraahdo “curcumin” taas oo leh awood sunsaaris iyo lid-huriye. Maadadani waxa ay dedejisaa qulqulka dheecaanka “bile”, waxayna beerka ka sifeysaa sunta.