Barnaamijkeena caafimaadka toddobaadkan waxa aynu ku soo qaadan doona, wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa toddobaadyadii u dambeeyay fulisay hawlo shaqo iyo barnaamijyo ballaadhan oo lagu horumarinayo adeegyada caafimaadka dalka.
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland, Marwo Samsam Maxamed Saalax, ayaa booqasho shaqo ku tagtay Cisbitaalka Guud ee Hargeysa, Cisbitaalka Edna Aadan iyo qaar ka mid ah xarumaha hooyada iyo dhallaanka ee magaalada Hargeysa.
Kormeerkan waxaa wehliyay wakiillo ka socday Hay’adda Mohamed Bin Zayed Foundation for Humanity, waxaana ujeeddadiisu ahayd qiimeynta adeegyada caafimaad ee xarumahaas, iyo in la ogaado baahiyaha jira ee u baahan in wax laga qabto.
Intii ay socdaalka ku jireen, wasiir ku xigeenka iyo wakiillada hay’adda waxay si gaar ah ula kulmeen maamulka iyo shaqaalaha xarumaha caafimaadka, isla markaana goob-joog u noqdeen hawlaha maalinlaha ah iyo adeegyada muhiimka ah ee bulshada la gaarsiinayo.
Mudadii kulanku socday waxaa la isku afgartay in la xoojiyo iskaashiga labada dhinac si loo horumariyo adeegyada caafimaadka ee dalka.
Dr. Xuseen Bashiir Xirsi, wasiirka wasaaradda horumarinta Caafimaadka, ayaa ka qaybgalay xafladda qalin-jabinta ardayda caafimaadka ee Adal Medical University ee Boorama, taas oo ay ku qalin-jabisay dufcaddii 6aad.
Wasiirku waxa uu ardayda hambalyeeyay, isagoo ku dhiirrigeliyay in aqoontooda caafimaad ay u huraan horumarinta adeegyada caafimaadka bulshada.
Waxa kale oo uu u mahadceliyay macallimiinta iyo maamulka jaamacadda dadaalkooda ku aaddan soo saarista aqoonyahanno caafimaad oo tayo leh.
Dr. Xuseen Bashiir Xirsi ayaa safar shaqo ku tagay Gobolka Awdal, gaar ahaan Boorama, halkaas oo uu kormeer ku sameeyay xarunta wasaaradda iyo Cisbitaalka Weyn ee Boorama.
Kormeerkan wuxuu qayb ka ahaa dadaallada lagu xoojinayo maamulka iyo tayeynta adeegyada caafimaadka, iyadoo Wasiirku dhageystay warbixino ku saabsan xaaladda guud ee caafimaadka, adeegyada la bixiyo, iyo caqabadaha jira.
Waxaa la isla qaatay in maamulka iyo shaqaalaha caafimaadka ee gobolka ay sii xoojiyaan dadaallada lagu horumarinayo adeegyada caafimaadka.
Dr. Axmed Maxamuud Jaamac, agaasimaha guud ee Wasaaradda caafimaadka JSL, ayaa kulan la qaatay wakiillada Hay’adda Mohamed Bin Zayed Foundation, si looga wada hadlo dhismaha Cisbitaalka Sheikh Mohamed Bin Zayed ee Burco iyo horumarinta adeegyada hooyada iyo dhallaanka.
Wasiirka iyo Agaasimaha Guud ayaa xafiiskooda ku qaabilay wafdi ka socda Save the Children Sweden iyo Switzerland, iyagoo ka wada hadlay iskaashiga horumarinta caafimaadka iyo barnaamijka CHASP.
Waxaa sidoo kale socda shirar joogto ah oo lagu qiimeeyo waxqabadka sannadlaha ah ee gobolka Maroodijeex iyo qorshayaasha sanadka 2026.
Dr. Cabdisamad Axmed Rooble ayaa soo gabagabeeyay tababar ku saabsan ururinta, falanqaynta, iyo turjumaadda xogta caafimaadka si loo helo qorshayaal wax ku ool ah, kaas oo lagu qabtey magaalada Burco ee xarunta gobolka Awdal.
Sidoo kale Agaasimaha Guud Dr. Axmed Maxamuud Jaamac ayaa furay tababar lagu xoojinayo qorshaynta adeegyada tallaalka joogtada ah ee lixda gobol, kaas oo muhiim u ah gaarsiinta adeegyo caafimaad oo tayo leh.
Magaalooyinka Ceel Afweyn iyo Ceerigaabo Agaasimaha guudaha guud ee wasaaradda horumarinta caafimaadka JSL, Dr. Axmed Maxamuud Jaamac ayaa si rasmi ah uga furay barnaamijyo caafimaad oo hooyada iyo dhallaanka loogu fidinayo adeegyo bilaash ah, iyadoo ay iska kaashadeen UNFPA.
Barnaamijyadan waxay kor u qaadayaan tayada adeegyada hooyada iyo dhallaanka, maadaama caafimaadka hooyadu uu saldhig u yahay caafimaadka qoyska iyo bulshada guud ahaan.
Wasiirka Dr. Xuseen Bashiir Xirsi ayaa guddoomiyay shirka bilaha ah ee agaasime-waaxeedyada Wasaaradda, kaas oo lagu qiimeeyo waxqabadka waaxyaha, xeerarka caafimaadka, iyo qorsheyaasha horumarinta adeegyada caafimaadka ee heer degmo.
Wasiirku wuxuu ku booriyay joogtaynta wada-shaqaynta iyo dadaalka lagu horumarinayo adeegyada caafimaadka dalka.
Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland waxay muujisay dadaal joogto ah oo lagu horumarinayo adeegyada caafimaadka dalka, iyadoo, la xoojinayo iskaashiga hay’adaha caalamiga ah, in la horumarinayo xarumaha caafimaadka iyo adeegyada hooyada iyo dhallaanka, in la tababarayo shaqaalaha si loo helo adeegyo caafimaad oo tayo leh, in la taageerayo qalin-jabinta iyo soo saarista aqoonyahanno caafimaad oo xirfad leh.
Waxay tani muujinaysaa in Wasaaraddu ka go’an tahay in bulshada Somaliland ay hesho adeegyo caafimaad oo dhammeystiran, tayo leh, oo gaadha dhammaan gobollada dalka.
Nuxurka Fariinta Barnaamijka:
Barnaamijkan caafimaad wuxuu soo bandhigayaa hawlaha iyo barnaamijyada horumarineed ee ay Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland hirgelisay toddobaadyadii u dambeeyay, kuwaas oo diiradda saaraya tayeynta adeegyada caafimaadka iyo kor u qaadista daryeelka bulshada.
Waxa ka mid ah.
Kormeerro lagu qiimeeyay adeegyada caafimaadka ee Hargeysa, iyadoo lala kaashanayo Hay’adda Mohamed Bin Zayed Foundation, qalin-jabinta ardayda caafimaadka ee Boorama iyo booqasho uu wasiirku ku tagay xarumaha caafimaadka Awdal, kulamo iskaashi oo lala yeeshay hay’adaha Save the Children iyo Mohamed Bin Zayed Foundation si loo horumariyo adeegyada caafimaadka hooyada iyo dhallaanka, tababaro iyo barnaamijyo caafimaad oo cusub oo laga hirgeliyay Burco, Ceel-afwayn iyo Ceerigaabo, kuwaas oo lagu xoojinayo qorshaynta, xog ururinta, iyo adeegyada bilaashka ah ee hooyada iyo dhallaanka. Iyo Shirka bilaha ah ee Wasaaradda oo lagu falanqeeyay waxqabadka iyo qorshayaasha caafimaadka dalka.
Gaba-gabadii fariinta barnaamijku waa in Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland ay si joogto ah uga shaqaynayso horumarinta adeegyada caafimaadka, tababarka shaqaalaha, iyo iskaashiga hay’adaha caalamiga ah, si bulshada Somaliland u hesho adeeg caafimaad oo tayo leh oo gaadha gobollada oo dhan.

























