Hargeysa (Dawan)- Wargayska Addis Standard oo ka mid ah Wargeysyada ka soo baxa dalka Itoobiya ayaa si faahfaahsan uga warbixiyay qiimayn uu soo saaray Baanka adduunku 2023 isla markaana la faafiyey bishan June ee sannadkan 2024-ka taas oo ku saabsan kala horaynta iyo dekedaha ugu fiican caalamka. Warbixinta ka soo baxday Baanka Adduunka ee Wargayskani soo xigtay oo ay soo Turjuntay Wakaalladda Wararka Somaliland ee SOLNA ayaa muujisay in Dekadda Berbera ay ku soo baxday kaalinta 1-aad ee Qiimeeynta dekaddaha u adeegga Koonteenarrada ee dalalka ka hooseeya Saxaraha Afrika ee sannadkii 2023, halka ay sidoo kale dekedda Berbera ka gashay qiimayntan kaalinta 106-aad ee dekedaha caalamka. Wargayska Addis Standard ayaa warbixintan ku sheegay in Sannadkii labaad oo xidhiidh ah, Dekedda Mombasa ee dalka Kenya ay ka hoosayso ta Magaaladda Berbera, marka la eego Qiimaynta waxqabadka Dekeddaha ee Bangiga Adduunka ka soo baxday. Wargeysku wuxuu xusay in dekadda Mombasa ay hoos ugu dhacday kaalinta 328-aad ee caalamka marka loo eego 405 dekedood oo qiimayntan lagu sameeyay. Dhanka kale, Dekadda Berbera ayaa kor u kacday isla markaana hanatay kaalinta 106-aad halka ay markii hore ku jirtay kaalinta 144-aad, Wargeyska Addis Standard ayaa sheegay in kor u kacani muujinayo shaqada wanaagsan ee dekedda Berbera laga qabtay iyo sumcadeeda oo marba marka ka danbaysa sii kordhaysa. In kasta oo Mombasa hoos u dhacday, haddana way ka wanaagsan tahay Daarasalaam, oo hoos ugu dhacday 367aad, iyadoo markii hore ku jirtay kaalinta 312aad. Guusha ay dekedda Berbera ka soo hoysay Qiimaynta Baanka adduunka waxaa sababteeda leh ayuu wargaysku yidhi shirkadda DP World oo la wareegtay maamulka dekedda Berbera sannadkii 2017, taasi oo keentay in 35% uu korodho xadiga xamuulka iyo kor u kaca 300% wax soo saarka maraakiibta.

0
77

Hargaysa (Dawan): Guddoomiyaha xisbiga muxaafadka ah ee Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed, ayaa ku dhaliilay musharaxa madaxweynaha xisbiga Waddani in aanu weli cad uga hadal heshiiska is faham ee dhex maray Somaliland iyo Ethiopia.

Waxaanu ku tilmaamay murashax Cirro, in uu u muuqdo mid ka soo hor jeedda heshiiskaasi, maadaama oo aanu marnaba si qasran-nimo ka muuqato u taagerin, una difaacin is-af-garadka ay horaantii sanadkan wada gaadheen dawladaha jamhuuriyadda Somaliland iyo Ethiopia.

Maxamed Kaahin Axmed, waxa kaloo uu sheegay in wadan kasta oo caalamka ah uu leeyahay taariikh halgan oo ay ku suntan yihiin rag naftooda u soo huray xoriyadda qaran-nimadda, taasoo ka mid ah tiirarka ay ku taagan tahay dawladnimadu.

Isagoo arrimahaa ka hadlayayna waxa uu yidhi “Dad baa taariikhda neceb, waa dad halgankii neceb, qaranka aan taariikhda soo jireenka ah lahayn, qaranka aan taariikh uu ku abtirsado lahayn, ma noqdo qaran jira. Wuxuu noqdaa qaran aan jirin, oo aan adduunyadan ku lahayn magac iyo maamuus, qaran walibana wuxuu ku abtirsadaa taariikh uu leeyahay.

Halgameyaashii SNM ee kala duwanaa waxay u dhinteen waxay ahayd wadaniaydda, ninka maanta taariikhdaa diidan, anaga ayaa ku cadaynayna inaanu muwaadin ahayn, oo aanu Somaliland halgankeedda, iyo xoriyadeedda, iyo ictiraafkeedda, in aanu lahayn”.

Guddoomiyaha Kulmiye ayaa ku dhaliilay musharaxa madaxweynaha ee Waddani in aanu marnaba si muwaadin-nimo iyo hogaamiyenimo u taageerin is-fahamka ay wada gaadheen Somaliland iyo Ethiopia.

Maxamed Kaahin Axmed, oo hadal ka jeediyay xaflad Hargaysa loogu qabtay qaar ka mid ah taageereyaasha xisbiga Kulmiye, waxa kaloo uu sheegay in aanu Cirro taageerin heshiiska lala galay Ethiopia, in ay muujinayso inuu cid kale u shaqaynayo oo aanu daacad u ahayn qaranimadda Somaliland.

Waxaanu yidhi “Ninka musharaxa xisbiga Waddani, ee maanta doonaya Somaliland inuu maamulo, ee maanta leh heshiiska, Somaliland iyo Ethiopia, ee leh MOU-gu ma aha mid ictiraaf lagu helayo, ma aha aragtidiisu nin Muuse Biixi, iska neceb, oo guul la neceb. Laakiin, waa caamil ama waa nin cid kale u shaqaynaya.

Xisbiga Waddani musharixiisu weli si mudakar ah, oo meel mar ah, oo maamuus leh, oo wadaniyad leh, oo qaran-nimo leh, isaga iyo madaxda xisbigiisu ugamay hadal, heshiiska horudhaca ah ee uu madaxweynaha Somaliland Ethiopia, la soo galay. Arrintaa weli murashaxa madaxweynaha Waddani si cad ugamuu hadal”.

Waxaanu intaas raaciyay “Hada Faysal Cali Waraabe, oo isaguna mucaar ah, oo maalin walba xisbiga Kulmiye iyo anagaba wax ka sheega, wuxuu heshiiska uga hadlaa si madaxnimo ah, oo waddanimo nimo ah, oo u qalanta inuu yahay qof musharax ah, oo wadankiisa jecel” ayuu yidhi Maxamed Kaahin Axmed.