Madaxweynaha Somaliland oo Shaaciyay in ay Somaliland u Halgamayso Aqoonsigeeda

0
96

Hargeysa (Dawan)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in Somaliland u halgamayso xaqiijinta madax-bannaanida iyo aqoonsiga dalka, sida dal kasta oo ka mid ah qaarada Afrikaba uu sameeyay.

Madaxweyne Muuse Biixi wuxuu sidaasi ku caddeeyay mar uu u warramayay Wargeyska caanka ah ee The Economist, oo ay soo xigatay wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA, waxaanu madaxweynuhu bayaamiyay in aanay Somaliland ahayn gooni goosato, hase ahaatee ay tahay qaran madaxbannaan oo dib ula soo noqday madaxbannaanidiisa.

Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi wuxuu sheegay in dalkiisu u baahan yahay aqoonsi, Itoobiyana ay u doonayso bad. Waxaanu tilmaamay in ay Somaliland dalka Itoobiya ka kiraynayso 20km oo ay ka dhigato saldhig millatari oo badda ah, iyadoo Itoobiyana noqon doonta dalka u horreeya ee aqoonsada “Madax-bannaanida Somaliland”

Madaxweyne Muuse Biixi wuxuu xusay in Somaliland diyaar u tahay heshiiska ay la gashay Itoobiya.

Wargeyska The Economist wuxuu warbixin uu ka qoray Somaliland ku tilmaamay dal gaarkiisa u taagnaa tan 1991kii oo dib ugala soo noqday madaxbannaanidiisa Soomaaliya. Waxa kaloo uu ka xaal-warramay inay Somaliland tahay waddan leh ciidan, dawlad, maxkamado iyo laamihii dawladnimada oo dhan, isla markaana ay 1dii Bishii January ee sannadkan ay heshiis la gashay dalka Itoobiya.

Warsiduhu wuxuu tafaasiil ka bixiyay asbaabihii dhaliyay inay Somaliland dib ula soo noqoto madax-bannaanideeda, waxaanu tilmaamay in shacbiga JSL ay doonayeen inay dib u saxaan hungadii kaga dhacday midowgii ay la galeen Soomaalidii uu Talyaanigu gumaysan jiray, taasi oo dhalisay tabashooyin badan oo aakhirkii horseeday kacdoon hubaysan oo lagaga soo horjeeday taliskii Siyaad Barre oo isna xasuuqay tobannaan kun oo qof oo rayid ah.