Mareykanka iyo Turkey oo Heshiis ka Gaadhay Iibka Diyaaradaha F-16

0
63

Turkiga iyo Mareykanka ayaa kala saxiixday qandaraas Ankara looga iibinayo diyaaradaha dagaalka ee F-16 ka dib markii Washington ay aqbashey heshiiskan oo ku kacaya 23 bilyan oo dollar. Heshiiska ayaa yimid ka dib bilo wada xaajood ah, sida ay sheegeen ilo-wareedyo ka tirsan wasaaradda gaashaandhigga Turkiga Khamiista maanta.

“Qandaraaska waa la saxiixay, wufuud ka kala socota labada dhinac ayaa ka wada xaajoonaya faah-faahintiisa,” ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka wasaaradda.

Sida ku cad heshiiska, Turkigu wuxuu heli doonaa 40 diyaaradood oo cusub oo ah F-16 iyo in loo casriyeeyo ilaa 79 ka mid ah diyaaradaha dagaalka ee hadda jira.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa toddobaadkii hore bogaadisay “tallaabo weyn oo hore loo qaaday” oo ah iibsashada Turkiga ee diyaaradaha cusub ee F-16 oo ay ku tilmaantay “F-16-kii ugu horumarsanaa ee abid la sameeyo lagana iibiyo oo kaliya xulafada ugu dhow iyo saaxiibkooda la ologa ah”.

“Tani waa tusaalaha ugu dambeeya ee sii wadidda ballanqaadka Mareykanka ee iskaashiga amniga ee Turkiga,” ayaa lagu yidhi qoraal la soo dhigay baraha bulshada.

Sida sharcigu dhigayo, Wasaaradda Arrimaha Dibedda waxay ogeysiisay Congress-ka heshiiska bishii Janaayo, iyo sidoo kale $8.6 bilyan oo gaar ah oo looga iibinayo 40 diyaaradood oo nooca F-35 dalka Greece.

Maraykanku ma aqbalin wax kala iibsigan ilaa Turkiga uu ka ansixiyey xubinnimada Sweden ee NATO.

Baarlamaanka Turkiga ayaa bishii Janaayo ansixiyay xubinimada Sweden ee NATO kadib in ka badan hal sano oo dib u dhac uu ku yimid, taasi oo ka careysiisay reer galbeedka si ay ugu midoobaan dagaalka Ruushka ee Ukraine.

Erdogan ayaa lagu wadaa in bisha soo socota uu ku biiro shir madaxeedka NATO ee ka dhacaya magaalada Washington.

Waxaa loo qorsheeyay inuu wadahadal la yeesho dhiggiisa Mareykanka Joe Biden bishii hore, kaasi oo noqon lahaa kulankoodii ugu horreeyay ee Aqalka Cad balse dib ayaa loo dhigay sababo la xidhiidha jadwallada labada dhinac.