Somaliland iyo UK oo ka Wada Hadlay Adkaynta Amniga

0
75

Qore: Boqore Axmed Cabdi

Hargaysa(Dawan) Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland ayaa xafiiskiisa ku qaabilay saraakiil ka socday wasaaradda difaac dalka Ingiriiska iyo madaxa nabadgelyada xafiiska UK ee Hargaysa.

Wasiirka wasaaradda Gaashaandhiga Somaliland mudane Rooble Cabdi Muuse ayaa qaabilay Mr. James Edward oo ah sarkaal sare oo ka tirsan wasaaradda difaac dalka Ingiriiska iyo Kamilla Landberg oo ah madaxa nabadgelyada xafiiska Ingiriiska ee Hargeysa.

Kulankan ayaa waxa ay labada dhinaca kaga wada hadleen sidii loo xoojin lahaa cilaaqaadka dhinaca amniga ee dawladda Somaliland iyo Boqortooyada Ingiriiska oo uu xidhiidh soo jireen ahi Somaliland uu ka dhexeeyo.

Sidoo kale intii kulankan socday waxa ay masuuliyiintani diirada saareen sidii looga wada shaqayn lahaa horumarinta amniga iyo iskaashigiisa oo muhiim u ah labada dal.

Gaba-gabadii kulankan ayaa ku soo dhamaaday jawi wax badan la isla qaatay oo lagu kala bogtay in dhinac looga soo wada jeedsado ka shaqaynta iyo xoojinta amniga.