Wargeysyada Addis Ababa oo Sharraxay Kaalinta Dekedda Berbera ka Gashay Daraasadii Baanka Adduunka

0
148

Hargeysa (Dawan)- Wargayska Addis Standard oo ka mid ah Wargeysyada ka soo baxa dalka Itoobiya ayaa si faahfaahsan uga warbixiyay qiimayn uu soo saaray Baanka adduunku 2023 isla markaana la faafiyey bishan June ee sannadkan 2024-ka taas oo ku saabsan kala horaynta iyo dekedaha ugu fiican caalamka.

Warbixinta ka soo baxday Baanka Adduunka ee Wargayskani soo xigtay oo ay soo Turjuntay Wakaalladda Wararka Somaliland ee SOLNA ayaa muujisay in Dekadda Berbera ay ku soo baxday kaalinta 1-aad ee Qiimeeynta dekaddaha u adeegga Koonteenarrada ee dalalka ka hooseeya Saxaraha Afrika ee sannadkii 2023, halka ay sidoo kale dekedda Berbera ka gashay qiimayntan kaalinta 106-aad ee dekedaha caalamka.

Wargayska Addis Standard ayaa warbixintan ku sheegay in Sannadkii labaad oo xidhiidh ah, Dekedda Mombasa ee dalka Kenya ay ka hoosayso ta Magaaladda Berbera, marka la eego Qiimaynta waxqabadka Dekeddaha ee Bangiga Adduunka ka soo baxday.

Wargeysku wuxuu xusay in dekadda Mombasa ay hoos ugu dhacday kaalinta 328-aad ee caalamka marka loo eego 405 dekedood oo qiimayntan lagu sameeyay.

Dhanka kale, Dekadda Berbera ayaa kor u kacday isla markaana hanatay kaalinta 106-aad halka ay markii hore ku jirtay kaalinta 144-aad, Wargeyska Addis Standard ayaa sheegay in kor u kacani muujinayo shaqada wanaagsan ee dekedda Berbera laga qabtay iyo sumcadeeda oo marba marka ka danbaysa sii kordhaysa.

In kasta oo Mombasa hoos u dhacday, haddana way ka wanaagsan tahay Daarasalaam, oo hoos ugu dhacday 367aad, iyadoo markii hore ku jirtay kaalinta 312aad.

Guusha ay dekedda Berbera ka soo hoysay Qiimaynta Baanka adduunka waxaa sababteeda leh ayuu wargaysku yidhi shirkadda DP World oo la wareegtay maamulka dekedda Berbera sannadkii 2017, taasi oo keentay in 35% uu korodho xadiga xamuulka iyo kor u kaca 300% wax soo saarka maraakiibta.