Wasaaradda Caafimaadka JSL iyo Hay’adda PSI oo Heshiis Iskaashi Ku Kala Saxeexday Dalka Kiiniya

0
139

Barnaamijka Caafimaadka Wargeyska Dawan todobaadkan Qormadeena koowaad waxa aynu ku soo qaadanaynaa, wasaaradda horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland oo heshiis la saxeexatay Hay’adda PSI, kaasi oo ku saabsanaan doona iskaashi la xidhiidha dhinaca horumarinta adeegyada caafimaadka.

 

Haddaba Wasaaradda horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa dalka Kiiniya gaar ahaan magaaladda Nayroobi, heshiis iskaashi kula saxeexatay Hay’adda caalamiga ah ee PSI.

 

Wefti uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Mudane Xasan Maxamed Cali Gaafaadhi, oo ay kamid yihiin Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye iyo Agaasimaha waaxda qorsheynta iyo horumarinta siyaasadda, oo safar shaqo kujoogay maalmihii udanbeeyey magaalada Nairobi ee waddanka Kenya, ayaa kulan la qaatay qaar kamid wadamada deeq bixiyayaasha ah ee Somaliland kala shaqeeya arrimaha caafimaadka.

 

Waftiga uu wasiirku hoggaaminayo ayaa sidoo kale kulan la qaatay qaar kamid Hay’adaha ay wada shaqeynta dhow leeyihiin wasaaradda horumarinta Caafimaadka si looga wada hadlo arrimaha ay ka wada shaqeeyaan wasaaradda iyo halka ay marayaan, intaa kadib weftiga ayaa heshiis iskaasi farsamo oo la xadhiidha xoojinta iyo horumarinta arrimaha Caafimaadka la saxiixday Hay’ada PSI.

 

Heshiishkan oo u gogol xaadhaya in wasaaradda horumarinta Caafimaadka iyo hay’adda PSI ay yeeshaan wada shaqeyn dhow, iskana kaashadaan sidii loo sii horumarin lahaa arrimaha halbawlaha u ah tiirarka caafimaadka, sida Adeeg-bixinta caafimaadka, xogta caafimaadka, xoojinta maammulka caafimaadka, kor-uqaadida wacyigelinta caafimaadka, adkaynta sahanka caafimaadka iyo ka hortagga xaaladaha deg-degga ah, heshiiskan waxa si wada jir ah usaxeexay Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka, Mudana Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi) iyo Mr. Martin oo metelayay Hay’adda PSI.

 

Saxeexa ka dib, waxa labada dhinac isla afgarteen in la dedejiyo sidii qodobada Ku jira heshiiska looga dhigilahaa kuwo fula muddooyinka inagu soo fool leh haduu Alle idhaahdo.