Xukuumadda JSL oo Go’aan Cusub ka soo Saartay Arrimaha Kufsiga

0
140

Fadhigii 129aad ee Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu Shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Qaranka, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo lagu lafo-guray qodobo kala duwan oo ay ka mid ahaayeen amniga, caafimaadka, qorsheyaasha Qaranka iyo arrimaha soo noq-noqday ee la xidhiidha kufsiga.

Ugu horrayn, Golaha Wasiirradu waxa uu war-bixin guud oo la xidhiidha amniga dalka ka dhegeystay wasiirka arrimaha Gudaha, ahna gudoomiyaha Xisbi Xaakimka Kulmiye, mudane Maxamed Kaahin Axmed oo golaha uga warbixiyey amniga guud ee dalka iyo xaaladda nabadgelyada mandaqadda geeska Afrika, isagoo golaha ku wargeliyey qorshaha xisbiga kulmiye ee u diyaargarow arrimaha doorashooyinka, Madaxtooyada iyo Ururadda.

Sidoo kale goluhu waxa uu warbixin la xidhiidha xaaladda xanuunka xumada (Dengue fever) oo mudooyinkan ka jirtay dalka ka dhegeystay Wasiir ku xigeenka Horumarinta Caafimaadka, Mudane Liibaan Yuusuf Gaaxnuug oo ku dheeraaday dedaalka ay ka wasaarad ahaan kaga jiraan, dhammaan xanuunada kala duwan ee ay ka midka tahay xumaddu oo sannadkii saddexaad dalka ku soo noq-noqotay.

Waxa Isna Golaha la wadaagay qorshaha Qaran ee u dejisan Wasaarada Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka, madaama dalku u jihaystay doorashooyin, Wasiirka Warfaafinta, , mudane Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan).

Ugu danbayntiina Golaha Wasiirradu waxa uu dood iyo falan-qayn dheer ka dib go’aan gole ka soo saaray arrimaha soo noq-noqday ee la xidhiidha kufsiga, waxaanay go’aamiyeen in Nidaamka Garsoorka loo daayo go’aamada ay ka gaadhayaan arrimaha kufsiga, madaxda dhaqankuna aanay soo faro-gelin, laguna xalin karin arrintaasi dariiq dhaqan, mid garsoor mooye