Guddoomiyaha Xisbiga UCID oo Sheegay in aanay Cidna Muran Gelin karin Aqoonsiga Somaliland

0
125

Hargeysa(Dawan):-Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in aanay cidna muran gelin karin aqoonsiga Somaliland.

Faysal Cali Waraabe ayaa  intaa ku daray in Laascaanood aan laga goyn karin Somaliland,isla,markaana xuduudaha dalka la gaadhi doono.

Faysal Cali Waraabe oo Arimhaa ka hadlayayna.Waxa uu yidhi”Somaliland  muran galimayso,ragga maanta leh Somaliland la aqoonsan-maayo.waxaan murashax u ahay Somaliland oo dhan, uma ihi murashax Beel gooni ah,sida  kuwa ku ololaynaya reer Hebel ayaa nagu soo biiraya ee Lacagta saydh-saydhaya,doorashada  waynu ku midaysanahay waanay dhici doontaa muhiimadu waa in doorashada la qabto,sidee ayay ku dhici kartaa in fiqi inoo soo han jabo dadka moodaya in aanu jabnay,waxaan leeyahay maanu  jabin Laascaanood arintii ka dhacday wayna midaynaysaa waana imanaynaa  xuduudayada  Laascaanood lagama goyn karo Somaliland,”.