Madaarka Boorama Bisha May ee Sanadka Danbe Waa Dhammaad” Wasiir Saajin

0
70

Boorama (Dawan) Wasiirka wasaaradda Ganacsiga Somaliland Maxamuud Xasan Sacad Saajin ayaa sheegay in uu sannadka dambe bisha May in uu dhammaad noqonayo dhismaha Madaarka Boorama waxaanu  balan qaaday in sanadka danbe bisha May    dhamaad noqonayo dhismihiisu isla markaasina ay adeegsanayaan diyaaraduhu, waxaanu intaa ku daray in aanay ahayn dhagax dhig iyo bilaw midna balse ay tahay dhamaad.

Wasiir Saajin ayaa sidoo kale bulshada gobolka Awdal ugu xog waramay waxyaabaha ay ka xukuumad ahaan ka qabteen gobolka, iyo waxa u dhiman ee ay rabaan inay hadda qabtaan, waxaanu soo qaatay wasiir Saajin jidka isku xidhaya Boorama illaa Jabuuti oo uu sheegay inuu dhamaaday qaybtiisii hore isla markaasi hadda la sugayo in la bixiyo qandaraaska dhismaha rasmiga ah, kaasi oo la siin doono shirkada ku guulaysata.

Wasiirka wasaaradda Ganacsiga Somaliland Maxamuud Xasan Sacad Saajin ayaa sidoo kale soo qaatay intii uu xog warankiisa ku jiray fulinta jidka isku xidha Boorama iyo Baki oo ay ka xukuumad ahaan wax wayn ka qabteen, isla markaasi bulshadu bogaadisay waxaanu wasiirku sheegay in uu wax wayn ka tari doono dhaqaalaha iyo isku socodka bulshada.

Wasiir Saajin ayaa sidan ka sheegay mar uu la hadlayay bulshadda gobolka Awda loo ay ka xukuumad ahaan u sameeyeen qado shafar, labeenta iyo haldoorka gobolka, kulankaasi oo la isaga xog waraysanayay baahiyaha ka jira gobolka iyo mashaariicda ay xukuumadu ka fulisay.

Kulankan ayaa waxa ka soo qayb galay badi wax garadka, qoonyahanka, madax dhaqmeedka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada waxaana lagu kala qaadanayay xogaha waxqabad ee xukuumadda iyo qorshayaasha la xidhiidha qabashada waxa dhiman ee ay bulshadu tabayaan.