Tartamada Aan Naxriista Lahayn Ayaa Sababay Dhimashadiisa!

0
68

Taliyaha  Booliska ee deegaanka Jeevan ee koonfurta dalka Hinidya ayaa sheegay in uu dhacay shil uu ku dhintay nin 45 jir ahi.   Booliiska ayaa cadeeyay in wakhtigaasi loo diyaar garoobayay daawashada dagaalka laba Diig oo halkaasi lagu qabanayay.

Booliiska ayaa intaasi ku daray labada  mulkiile ee labada Diig ee dagaalamaya iska leh uu midkood diigiisa lugta ugu soo xidhay Mindi 3 inch ah.

Sida Booliisku cadeeyeen ninkan oo lagu magcaabi jiray, Thanjula Satish, oo da’diisuna ahayd 45 jir, ayuu Diigiisu weerar ku soo qaaday ka hor inta aan ciyaarta dagaalka labada Diig la bilaabin, waxaana uu Midida kaga dhaawacay Bawdada isagoo xididka hawlabaha gooyay.

Madaama deegaanka lagu qabto dagaalkan khariban ee ma yeedhaanka lagu dulmiyayo ay ku taallo gobolada koonfurta dalka Hindiya oo ka durugsan Isbitaalada, adeeg caafimaad oo degdeg ahin aanu ka jirin,  waxa ay taasi sababtay in ninkaasi uu aad u dhiig baxo  iyadoo aan weli Isbitaalka la gaadhsiin, taasina ay sababtay in uu dhexda ku sii dhinto, dhiig la’;aan awgeed.

Taliyaha booliiska Jeevan ayaa intaasi ku daray in booliisku ay dacwad fureen isla markaana ay raadinayaan in ka badan toban qof oo ku lug lahaa abaabulka dagaalka Diigagan.

Haddii lagu helo dambiga, qabanqaabiyaasha waxa ay wajahayaan laba sano oo xadhig ah.

Dagaalku Diigaga waxa uu caan ka yahay gobolada Koonfureed sida Telangana, Tami Nadi iwm. Dawladda ayaa mamnuucday dagaalkan sanadkii 1960, laakiin haddana waxa si qarsoodi ah u sameeya dadka Hinduuska ah, gaar ahaan maalmaha ciidahooda. Diigga ayaa isaguna goobta ka baxsaday waxaana soo qabtay Booliiska ee geeyay goob xayawaanka lagu xanaaneeyo.

Dadka u dooda xuquuqda xayawaank ayaa iyaguna muddo dheer ku baaqayay in la joojiyo dhaqanka axmaqnimada ah ee sharciyada baalmarsan. Dagaalkan ayaa ah mid ay aad u xiiseeyaan hinduuska iyagoo ay ka soo qayb galaan kumnaan qof, waxaana la sheegay in sanad kasta ay ku dhintaan boqolaal diig dagaalkan.