Wasiirka Diinta iyo Awqaafta JSL oo Kormeeray Kawaanka Gawraca Xoolaha Hargaysa

0
73

Hargaysa (Dawan) Wasiirka wasaarada diinta iyo awqaafta JSL Sheekh Maxamed Xaaji Aadan Cilmi ayaa shalay kormeer shaqo ku tagay kawaanka xoolaha ee magaalada Hargeisa, kaas oo uu ugu kuurgalayo sida ay u socdaan Gawraca xoolaha kawaanka guud ahaan iyo gaar ahaan xoolaha Odxiyada ee maalmahan ciida lagu qalayo kawaanka.

Waxaana wasiirku halkaas warbixin kaga dhagaystay shaqaalaha wasaaradda ee halkaas ku sugan, kuwaas oo ku ilaalinaya xoolaha udxiyada shuruudaha looga baahan yahay ee diinteena islaamku tilmaantay.

Madaxa wacyigelinta wasaaradda diinta iyo awqaafta Somaliland Sh.Nuur maxamuud jaamac ayaa wasiirka uga warbixiyey sida wasaaraddu u kormeerayso una ilaalinayso xoolaha udxiyada iyo shuruudahooda iyo gawraca labadaba.

Sidoo kale gudoomiyaha guud ee shirkada gawraca Maandeeq C/raxmaan Maxamuud Aadan ayaa ku dheeraaday hawsha baaxada leh ee ay ummada u hayaan.

Gebo’gabadii wasiirka wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland oo halkaas ka hadlay ayaa u mahadceliyey shaqaalaha wasaarada iyo shirkada gawraca iyo haayadaha kale ee dawlada ee ku hawlan hawshan,Waxaanu kula dardaarmay in ay dadaalka sii laban laabaan.

Sidoo kale wasiirka ayaa sharaxay sida ay muhiimka u tahay in la ilaaliyo axkaamta gawraca xiliga la gudanayo odxiyada, waxaanu k dheeraaday sida ay muhiimka u tahay maadaama oo aynu nahay bulsho Muslim ah.